10:11 am - Wednesday June 28, 2017

Honduras Oo Ku Dhawaaqday Xulka Uga Qayb Gallaya Koobka Aduunka

Aidarous
Tababaraha xulka qaranka Hunduras Luis Fernando Suarez
Tababaraha xulka qaranka Hunduras Luis Fernando Suarez

Tababare Luis Fernando Suarez ayaa magacaabay 23 ka ciyaaryahan ee matali doona xulka qaranka Honduras tartanka koobka aduunka ee sanadkan gudihiisa ka bilaaban doona wadanka Brazil.

Wadankan badhtamaha qaarada America ku yaala, oo liiska qiimaynta xulalka kubada cagta dunidana kaga jira kaalinta 32 aad , ayaa xulka uu tababare Suarez magacaabay ah u badan yihiin ciyaaryahanada ka ciyaara kooxaha koonfurta qaarada Maraykanka.

Waxase ka dhex muuqday tiro ciyaaryahano ah oo Yurub ka ciyaara , kuwaas oo ay kamid yihiin Labada laacib ee Horyaalka Priemier League ka ciyaare oo kala ah : Maynor Figueroa, oo u ciyaara Hull City, iyo laacibka Stoke City ee Wilson Palacios.

Laacibka khadka dhexe naadiga Anderlecht uga ciyaara ee Najar ayaa isna kamid ah xulka Hunduras ee koobka aduunka ka qayb gallaya.

 

Liiska xidigaha xulka qaranka oo dhamaystiranina wuxuu noqonayaa sidan :-

 

Gool-hayeyaal : Donis Escober (Olimpia), Luis Lopez (Real Espana), Noel Valladares (Olimpia)

Difaacyahano : Brayan Beckeles (Olimpia), Victor Bernardez (San Jose Earthquakes), Osman Chavez (Qingdao Janoon), Maynor Figueroa (Hull City), Juan Carlos Garcia (Wigan Athletic), Emilio Izaguirre (Celtic), Juan Pablo Montes (Motagua)

Khadka dhexe : Marvin Chavez (Colorado Rapids), Jorge Claros (Motagua), Roger Espinoza (Wigan), Oscar Garcia (Houston Dynamo), Luis Garrido (Olimpia), Mario Martinez (Real Espana), Andy Najar (Anderlecht), Wilson Palacios (Stoke), Arnold Peralta (Rangers)

Weeraryahano : Jerry Bengtson (New England Revolution), Carlo Costly (Real Espana), Rony Martinez (Real Sociedad), Jerry Palacios (Alajuelense)

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Waan Jecelahay Palace! Nasri Oo Horkacayay Dabaal Deg City Ka Samaysay Barta Twitter Guuldaradii Liverpool Darteed

Tottenham Oo Raaligalin Ka Bixisay Fariin Lid Ku Ah Liverpool Oo Twitter-keeda Lagu Baahiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: