3:16 pm - Tuesday January 20, 5176

Hoos U Dhac Ku Yimid Daawadeyaasha Yimaadda Camp Nou

230 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Hoos U Dhac Ku Yimid Daawadeyaasha Yimaadda Camp Nou

Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid taageereyaasha u soo daawasho taga ciyaaraha ka dhacaya garoonka Barcelona ee Camp Nou kulamadii u dambeeyey.

Celcelis ahaan saddexdii bilood ee October illaa January ayaa laga calaamadiyey hoos u dhaca, waxaana celcelis ahaan ay noqotay maalin walba in ay garoonka yimaaddeen 20,000 qof.

Kulankii Axaddii dhex maray Barcelona iyo Villarreal oo la filayay in ay taageereyaal badan ka soo xaadiraan ayaa noqon waayey sidii la filayay. Waxa garoonka yimid 60,005 qof, halka ciyaarihii Barcelona la yeelaay kooxaha Huesca iyo Elche ay ka soo xaadireen 44,884 iyo 27,099 sida ay kala horreeyaan.

Isbeddelka daawadeyaasha garoonka Camp Nou ayaa si aan caadi ahayn hoos ugu dhacay markii lagu sameeyey celcelis saddexda bilood ee October illaa January, waxaanay noqotay 20,000 qof ciyaar walba.

Celcelis ahaan bishii October waxa garoonkaas soo galay 77,451 qof, halka November ay yimaaddeen 74845 qof, December waxa yimid 65894, halka bisha January ay ka noqotay 57,746.

Inkasta oo ay qabow ahayd bisha January gobolka Caalonia ee ay Barcelona ku taallao, haddana waxa kor u kacay itaageereyaashii yimid kulamadii Barcelona garoonkeeda ku martigelisay Atletico Madrid iyo Villarreal oo ay yimaadeen in ka badan 60,000 qof.

Arrinta kale ee layaabka noqotay ayaa ahayd, ciyaartii Champions League ee dhex martay Barcelona iyo Manchester City ee garoonka Etihad, waxa ay Barcelona dalbatay 1,715 tigidh, balse waxa garoonkaas yimid oo kaliya 784 qof oo ka socda Barcelona oo ciyaartaas daawaday.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Diego Godín: “Khaati Ayaanu Ka Taaganahay Dagaalka”

Ramos Oo La Xaqiijiyey In Uu Lix Toddobaad Garoomada Ka Maqnaan Doono

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com