Caawa ayey foodda isku dari doonaan garoon ku yaalla Ruushka halkaas oo kooxda reer Ingiriis ee Tottenham ay dooneyso inay guul kala soo hoyato.

Kulankan oo ay ka maqan yihiin Tottenham ciyaartoyo muhiim ah sida Harry Kane, Dier, Rose, Sissoko iyo Dembele oo aan la hubin illaa hadda, ayaa waxa uu bilaabmi doontaa xilli caadi ah.

Lineupka labada kooxood:
CSKA Moskva: Akinfeev; Mário Fernandes, V Berezutski, Ignashevich, Schennikov; Ionov, Wernbloom, Milanov, Eremenko, Golovin; Traoré.
TottenhamLloris; Walker, Alderweireld, Vertonghen, Davies; Wanyama, Alli; Son, Eriksen, Lamela; Janssen.

Xog muhiim ah:

  • Tababaraha CSKA oo lagu magacaabo Leonid Slutski, waxa uu ahaa tababarihii watay xulka qaranka Ruushka tartankii Euro 2016 ee barbar dhac 1-1 la galay Ingiriiska.
  • Leonid Slutski oo ciyaarta ka hor hadlay, waxa uu ku sifeeyey Tottenham mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida wakhtigan.
  • Spurs waxay u safraysaa Ruushka kulankeedii ugu horreeyey abid, horena umay dhicin in ay caasimadda Ruushka tagto.
  • Tababaraha Tottenham, Mauricio Pochettino, waxa uu sheegay inay waajib tahay in uu guul gaadho.