Hordhaca Kulanka Furitaanka Premier League Manchester United vs Leicester City

Waxaa caawa indhaha jamaahiirta kubada cagta dib ay u daawan horyaalka ugu xiisaha badan oo kulanka furitaanka lagu qaban doono garoonka Old Trafford ee Manchester United.

Leicester City ayaa xili ciyaareedkii labaad nasiib u yeelatay in ay ciyaarto kulanka koowaad ee horyaalka Premier League,waxaana ay caawa la ciyaari doontaa kooxda Jose Mourinho ee Red Devills.

Image result for Leicester City Manchester United

Wararka Cusub Manchester United

Manchester United ayaa dhibaato dhaawac oo fara badan qabta ka hor kualnka Leicester City,halka ciyaartooyda qaar ee kooxdaasi ay daal dareemayaan,maadaama ay Isniintii la soo dhaafay tababarka bilaabeen.

Ciyaaryahanka xulka Serbia Nemanja Matic ayaa ku jira soo kabasho kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii ugu danbeeyay heerka guruubyada koobka aduunka ay xulkiisa la ciyaareen qaranka Brazil,xidigii hore ee Chelsea ayaana qaliin lagu sameeyay kadib koobka aduunka.

Kabtanka cusub ee Manchester United Antonio Valencia iyo saxiixa cusub e Digao Dalot ayaa labadaba dhaawacyo qaba,waxaana booskooda uu kulanka caawa Mourinho u soo xulan karaa ciyaartooyda difaaca ka dheela ee Eric Baily iyo Victor Lindelof.

Sidoo kale ciyaartooyda ASshley Young, Jesse Lingard, Marouane Fellaini iyo Paul Pogba ayaa dhawaan ka soo laabtay fasaxa koobka aduunka,waxaana macquul ah in ay keydka soo fariistaan kulanka furitaanka Premier League.

Image result for Young And Lingard

Romelu Lukaku oo ay wehliyaan xidigaha Marcus Rashford iyo Phil Jones ayaa xili ka soo laabtay fasaxa koobka aduunka,balse gool dhaliyaha Belgium ayaan ka soo muuqin kulankii saaxiibtinimo ee ugu danbeeyay kooxdiisa la ciyaartay Bayern Munich lamana xaqiijin karo hadii uu safan karo kulanka caawa.

Wararka Cusub Kooxda Leicester City

Dhankaa iyo Liecester City tababaraha kooxdaasi Claude Puel ayaan la tacaaleynin dhibaatooyin fara badan,marka laga soo tago xidigihiisa Jamie Vardy iyo Harry Maguire oo xili danbe ka soo laabtay koobka aduunka isla markaana dhawaan tababarka kooxda ku soo biiray.

Macalinka reer France ayaa sheegay in ciyaartooyda Jamie Vardy iyo Harry Maguire midkoodna aysan ku soo bilaaban doonin kulanka Manchester United,laakiin waxa uu intaasi raaciyay in uu ay macquul tahay in uu xusho Maguire hadii xaalada dhaawac e Johny Evans ay suurta galin weydo in uu kooxdiisii hore wajaho.

                                  Safafka Macquulka Ah Labada Dhinac

Safka Macquulka Ah Ee Manchester United (4-3-3) – De Gea; Lindelof, Bailly, Smalling, Shaw; Fred, Herrera, Pereira; Mata, Sanchez, Rashford.

Safka Macquulka Ah Ee Leicester City(4-2-3-1) – Schmeichel; Pereira, Morgan, Maguire, Chilwell; Ndidi, Iborra; Diabate, Maddison, Albrighton; Iheanacho.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.