Horyaalka K/cagta ee Sierra Leone oo dib u billowday

Xidhiidhka K/cagta ee Sierra Leone ayaa dib boorka uga jafay horyaalkii K/cagta ee dalkaas, kaasoo istaagay tan iyo markii uu xannuunka Ebola ka dillaacay.

2014kii ayey ahayd markii la joojiyey horyaalka isagoo meel dhexe maraya.

Cayaartii ugu horraysay waxay Sabtidii dhex martay kooxaha FC Johansen iyo kooxda ciidanka qalabka sida, waxaana 1-0 ku badiyey kooxda FC Johansen.

Bishii Maarso ayaa hay’adda WHO waxay sheegtay in xanuunka Ebola uu dalkaas ka dhamaaday, hase yeeshee horyaalka imika dib loo billaabay ayaa la sheegay in ay qaaddaceen siddeed ka mid ah 14ka naadi ee ka qayb galaya, ayagoo ka cabanaya is qabqabsi ka dhex jira xidhiidhka K/cagta ee dalkaas ee loo yaqaanno SLFA.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Shanta Kooxood Ee Ugu Gool-Kulaadka (Rigoorayaasha) Badan Horyaalka Premier League-ga.

Tima-cadde: Garoon Dayacan Oo Tartanka Gobollada Martigelinaya – VIDEO

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com