Horyaalka Spain Ee LaLiga Oo Shaaciyey Lacagta Ay Koox Walba Mushaharka Ku Bixinayso Xili Ciyaareeedkan, Barcelona Xaddi Badan Ka Sare Martay Real Madrid Iyo Kharashka Guud Ahaan 20-ka Kooxood

Horyaalka kubadda cagta waddanka Spain ee LaLiga Santander ayaa soo saaray lacagta ay guud ahaan 20-ka kooxood ee horyaalka dalkaas ka qayb-gelaya xili ciyaareedkan ay mushaharka u bixin doonaan fasal ciyaareedka 2018-19.

Barcelona ayaa lacagtii ugu badnayd xili ciyaareedkan ku bixin doonta mushaharooyinka ciyaartooyada, taas oo si aad ah uga badan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Real Madrid oo hoos u dhigtay kharashka kaga baxa mushaharooyinka marka loo eego sannadkii hore.

Barcelona ayaa bixinaysa lacag ka badan  66.5 million oo Euro oo dheer tahay Real Madrid, laakiin dhinaca kale, kooxda lacagta ugu yar bixinaysa ayaa ah Real Valladolid oo uu dhowaan iibsaday xiddigii reer Brazil ee Ronaldo.

Lacagtan ay kooxuhu shaaciyeen inay mushaharooyinka ku bixinayaan ayaa ah laynka cas ee aanay dhaafi karin amaba ugu badan ee ay bixinayaan.

Waxa lacagahan ku jira mushaharooyinka iyo gunooyinka ciyaartooyada la siiyo, lacagta askarta ilaalisa garoonka, shaqaalaha qaybaha saamiyada u jooga, komishannada ay bixiyaan oo ay ku jirtaan kuwa la siiyo wakiilada ciyaartooyada iyo xattaa lacagaha kordha marka heshiiska ciyaartooyadu sii dheeraadaan.

QODOB MUHIIM AH

Arrin muhiim ah ayaa jirta oo ay kooxuhu ku khasban yihiin inay u hoggaansamaan iyagoo raacaya wadarta lacagta ay u gudbiyeen LaLiga, waxaanay tahay in lacagta ay kooxdu sheegtay aanayy wada isticmaali karin ee ay qasab tahay in baaqi kaga hadho akownka xisaabeed ee uga furan baanka.

Mushaharooyinka kooxuhu bixinayaan xili ciyaareedkan


  1. Barcelona 632.971 milyan Euro
  2. Real Madrid 566.53 milyan Euro
  3. Atlético 293 Milayn Euro
  4. Valencia 164.684 Milyan Euro
  5. Sevilla 162.783 Milyan Euro
  6. Villarreal 109.126 Milayn Euro
  7. Betis 97.112 Milyan Euro
  8. Athletic 87.869 Milyan Euro
  9. Real Sociedad 80.808 Milyan Euro
  10. Espanyol 56.774 Milyan Euro
  11. Leganés 52.864 Milyan Euro
  12. Levante 52.369 Milyan Euro
  13. Celta 50.970 Milyan Euro
  14. Eibar 41.258 Milyan Euro
  15. Getafe 39.245  Milyan Euro
  16. Alavés 39.193 Milyan Euro
  17. Girona 36.755 Milyan Euro
  18. Rayo Vallecano 33.077 Milyan Euro
  19. Huesca 29.328 Milyan Euro
  20. Valladolid 23.882 Milyan Euro.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.