Houston Astros vs LA Dodgers: Astos Oo Qarka U Saaran Inay Ku Guuleysato Koobka World Series

Houston Astros ayaa 13-12 ku karbaashtay Los Angeles Dodgers, ciyaar wakhti dheeraad ah lagu daray oo ahaa kulankii shanaad ee finalka taxanaha World Cup Series ee tartanka American Baseball, kaas oo ay Astos qarka u saaran tahay inay guuleysato markeedii koowaad.

Labadan kooxood oo iskugu soo baxay ciyaartan finalka kaddib ayaa wada ciyaaraya toddoba jeer, waxaana hore u dhacay shan is arag oo saddex ka mid ah ay guuleysatay Houston Astros, labada kalena LA Dodgers.

Hadda natiijada shanta ciyaarood, waa 3-2, haddii Astros ay badiso kulanka caawa oo si toos ah looga daawan doono shabakadda ciyaaraha ee Cadalool, waxay markeedii koowaad ku guuleysan doontaa horyaalka American Baseball (MLB) oo sidoo kale loo yaqaano World Series Title.

Wareeggii 9aad ee ciyaartii xalay, waxay natiijadu ahayd 12-9, laakiin Dodges ayaa soo dedaashay oo barbarraysay, waxaanay taasi khasab ka dhigtay in lagu daro wakhti dheeraad ah ama tuurasho toos ah, taas oo natiijada ka dhigtay inay ku dhamaatay 13-12.

 

Haddii Astros ay badiso ciyaarta caawa, waxay noqon doontaa horyaalka MLB ama World Series.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Celtic vs Bayern Munich: Ciyaartooyo Hanjabay Iyo Rajada Glasgow

Tababare Diridhaba Oo Ku Taliyey In Xaalada Ciyaareed Ee Dalka Wax Laga Beddelo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com