3:03 pm - Friday August 23, 8419

Hull City Oo Markii Koowaad Taariikhda Gaadhay Finel-ka FA Cup

Aidarous

Kooxda Hull City ayaa u soo baxday ciyaarta Finelka ee koobka FA-ga wadanka Ingiriiska markii koowaad taariikhdeeda, kadib markii ay 5-3 ah kaga dul talaabsatay naadiga Shefield United ciyaar caawa ku dhex martay labada kooxood garoonka Wembley.

Kooxda lagu naanayso shabeelka ‘the Tigers’ oo laga gacan sareeyey qaybtii hore ee ciyaarta , iyadoo lagu kala nastay 2-1 ay hogaanka ku hayso Shefield ayaa isu soo noqodkii qaybtii labaad ay la timid afargool oo daran doori ah , kuwaas oo u suurto galliyey inay u rumowdo riyadii gaadhista gunaanadka FA Cup ee ay inta badan ku taamaysay.

David Meyler oo laba gool dhaliyey iyo Yannick Sagbo, Matt Fryatt, Tom Huddlestone iyo Stephen Quinn oo saddexda gool ee kale saxeexay ayaa u suurto galliyey Hull, gaadhista ciyaarta dhamaadka ee horyaalka Labaad ee wadanka Ingiriiska.

Naadiga Hull city ayaa wajahi doonta Arsenal ciyaarta Finelka, kulankaas oo haddii ay badiyaana Taariikhda baal dahab ah ka gallin doona.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Gerrard Oo ilmaynaya :- Waligay Ima Soo Marin 90 Daqiiqo oo Ka Badan Kan Ciyaarta City

Goolkii Raheem Sterlin uu Ka Dhaliyey City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: