Alexis Sanchez ayaa laba gool oo daran doori ah is raaciyey , rigoodhena cunay ciyaar Arsenal si qurux badan uga dul talaabsatay kooxda Hull City oo 10 ciyaaryahan ku dhamaysatay ciyaartan ka tirsanayd horyaalka Premier League.

387e093f00000578-3794213-image-a-149_1474129170837

Sanchez ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal kadib markii uu ku qabtay kubbad uu soo ganay Alex Iwobi, laakiin ku guuldaraystay inuu dhaliyo tii loogu dhiibay xerada ganaaxa dhexdeeda, kadib markii uu Jake Livermore gacan kaga qabtay, isagana kaadhka casaanka ah loo taagay qaybtii hore ee ciyaarta.

387ddb3000000578-3794213-image-a-116_1474127209200

Theo Walcott ayaa u labeeyey wax yar kadib markii la isugu soo noqday qabta labaad, ka hor intii aanu Robert Snodgrass gool u soo beden Hull kaas oo ahaa rigoodhe loo dhigay kooxda loo martida ahaa.

Sanchez ayaa ka saddexaad raaciyey ka hor intii aanu laacibka xagaagan uun ay la soo wareegtay ee Granit Xhaka gool qurux badan ku soo xidhin ciyaarta dhamaadkeedii.

387de0ce00000578-3794213-image-a-118_1474127279437 387da08d00000578-3794213-image-a-110_1474126199148 387d959100000578-3794213-image-a-107_1474125611930 387dd5ea00000578-3794213-image-a-112_1474127115891 387ddb2000000578-3794213-image-a-114_1474127140842 387dfd8500000578-3794213-image-a-129_1474128074402 387df4db00000578-3794213-image-a-127_1474127921990