Ibrahimovic: Lahm wuxuu ka fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah Isagoo Wali Heerkiisu Sareeyo

Weeraryahanka kooxda PSG Zlatan Ibrahimovic ayaa difaacay go’aanka uu Philipp Lahm ciyaaraha caalamiga ah kaga fadhiistay kadib markii uu ka gaadhay Kubada cagta heerkii ugu sareeyey.

30 jirkan ayaa in badan dadka ka yaabiyey kadib go’aankii uu ciyaaraha xulka qaranka Germany kaga fadhiistay isagoo kula guuleystay Koobka Adduunka oo ay 1-0 kaga badiyeen Argentina.

2405252_big-lndSi kastaba xaalku ha ahaadee, Ibrahimovic oo ka hadlayay guuldaradii 4:2 ahayd ee PSG ka soo gaadhay kooxa Red Bull ayaa sheegay in Lahm uu waqtigii saxda ahaa ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.

“Ma garanayo waxaan idhaahdo, maxaa yeelay waxa uu ku guuleystay Koobka Adduunka, Maxaa u diidaya in uu sidaas sameeyo?,” ayuu weeraryahanka reer Sweden u sheegay wariyeyaasha.

“Wuxuu qabsaday shaqadiisii inuu hadda joojiyaana waa waxa ugu fiican, haddii uu doonayo inuu joojiyo. Laakiin waa go’aan isaga u yaala waxaana fiican inaad joojiso marka aad marayso halka ugu saraysa,”.

“Intan ka badan muu sameeyeen, waxaan filayaa inuu xilli fiican ka fadhiistay,”.

Lahm oo 113 kulan u saftay xulkiisa Jarmalka, ayaa noqday ciyaaryahankii 4aad ee ugu safashada badan xulka qaranka waxaana keliya oo ka horeeya ciyaartoyda kala ah, Lukas Podolski, Miroslav Klose iyo Lothar Matthaus.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Jaamacada Salford Oo Shahaado Sharafta Ugu Saraysa ee ‘ Doctorate” Gudoonsiisay Gary Neville

Alvaro Morata oo ku Biiray Juventus

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com