3:16 pm - Tuesday January 20, 6629

Ibrahimovic Oo Ganaax Culus Laga Saaray Ciyaaraha kadib aflagaadadii uu u geystay France

214 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Ibrahimovic Oo Ganaax Culus Laga Saaray Ciyaaraha kadib aflagaadadii uu u geystay France

Xidhiidhka kubadda cagta ee dalka France ayaa afar kulan ciyaaraha ka mamnuucay xiddigaha kooxda PSG ee Zlatan Ibrahimovic kadib markii uu aflagaadeeyey kubadda cagta dalkaas iyo waliba garsooreyaasha.

Ciyaar bishii hore dhex martay PSG iyo Bordeaux ayaa PSG lagu garaacay 3-2, waxaana markii ay ciyaartu dhamaatay si cadho leh u hadlay Ibrahimovic kaas oo ay shaashaduhu qabteen isagoo caayaya garsoorihii ciyaarta dhexdhetxaadinayey oo lagu magacaabo Lionel Jaffredo iyo waliba horyaalka France oo uu ku tilmaamay mid liita oo PSG aanay u qalmin in ay ka sii ciyaarto.

Ibra ayaa sheegay ciyaartaas dhamaadkeedii in muddo 15 sannadood ah oo uu kubadda cagta ciyaarayay aanu arag wadan ka garsooreyaal liita France.

Zlatan Ibrahimovic oo isagoo caytamaya ka sii baxaya garoonka markii ay ciyaartaas lagu ganaaxay dhamaatay

Zlatan Ibrahimovic oo isagoo caytamaya ka sii baxaya garoonka markii ay ciyaartaas lagu ganaaxay dhamaatay

Hadalkan ka soo yeedhay Zlatan ayaa waxa uu sababay cadho ka timid madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyo Ra’iisal wasaaraha, wasiirka ciyaaraha, guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaradka iyo waliba ciyaartooyada u dhashay dalkaas.

Haddaba, xidhiidhka dalka France oo in muddo ahba laga sugayey tallaabada ay ka qaadan doonaan xiddigan ayaa waxay manta soo saareen go’aan aan lala yaabbanayn marka loo eego hab-dhaqanka Ibra.

Go’aanka xidhiidhka ayaa waxa uu noqday in laacibkan uu garoomada mamnuuc ka ahaado muddo afar kulan ah, kuwaas oo ay kooxdiisa PSG la kulmi doonto dhibaato maadaama uu shakhsiga koowaad ee guusha ay ka sugaan yahay Zlatan Ibrahimovic.

PSG ayaa kaalinta koowaad ee horyaalka dalkeeda ku jirta, waxaanay dooneysaa in markii 3aad oo xidhiidh ah ay ku guuleysato horyaalka dalkaas ee Ligue 1.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real Madrid Oo Ku Guuleysatay Rafcaan Ay Ka Qaadatay Ganaaxii Ronaldo

Mid Ka Mid Ah Ciyaartooyada Chelsea Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com