Ibrahimovic oo ka qasay Jose Mourinho wareysi lala yeelanayay kaddib kulankii xalay ee Chelsea iyo PSG!

Naadiga Chelsea ayaa xalay u soo gudubtay Semi-finalka Champion League kaddib markii ay 2-0 uga adkaatay naadiga PSG ee dalka Faransiiska. Weeraryahanka jooga dheer ee naadiga PSG Zlatan Ibrahimovic ayaa ka qasay macallinkiisii hore ee Jose Mourinho wareysi lala yeelanayay kaddib ciyaarta.

Waxaana loo qaadan karay midaa inuu ugu hambalyeynayay usoo bixistiisa Semi-finalka Champion League.