3:10 am - Sunday June 25, 2017

Ibrahimovic Oo Ku Galgashay Madbakha Kooxda PSG

Aidarous

Ibrahimovic oo Ku galSida ay qortay Jariidada Le Parisien ee ka soo baxda caasimada wadanka France ee Paris, Laba Masuul oo ka tirsan kooxda Cunto Karinta Naadiga Paris Saint German ayaa albaabka laga saaray kadib markii uu cabasho daran ka gudbiyey weeraryahanka Sweden u dhashay ee Zalatan Ibrahimovic.
Ibrahimovic ayaa sida la sheegay cabasho ka muujiyey dhadhanka cuntada ciyaaryahanada loo diyaariyo , taas oo uu ku sheegay inay maalin kasta tahay mid la mid ah tii shallay oo aan kala duwanaansho jirin.
Xerada tababarka PSG ee Camp des Loges ayaa loogu diyaariyaa xidigaha kooxdaasi , cuntada saddexda wakhti , taas oo aan soo dhawaynin ama dhadhan fiican u weeraryahankan 37 ka gool u dhaliyey naadiga xili ciyaareedkan.
Arinta cabashada cuntada ee Zlatan ayaa keentay in tababaraha kooxdu shir jaraaid kaga dhawaaqo in la kordhiyey kharashka ku baxa cunada ciyaaryahanada, sidoo kalena , khabiirka cunto karinta ee Stephane Michon lagu kordhin doono Madbakha naadiga PSG.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Manchester City Oo Kaalinta Labaad Si Ku Meel Gaadh Ah U Fadhiisatay Iyo Chelsea Oo Karbaash Ku Dhacay

‘Kompany Ayaa Marka Hore Lagu Xanaaqay’ – Pellegrini Oo Diiday Kaadhkii Casaa Ee Kabtanka La Siiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: