Ilmadii Sergio Busquets Oo Ruxday Quluubta Barcelona iyo Muuqaallada Naxadinta Leh Ee Dhaawaciisa

Laacibka khadka dhexe ee Sergio Busquets ayaa garoonka laga dhex qaaday markii uu ka jabay lugta kulan Arbacadii ku dhex maray El Medrigal labada kooxood ee Villarreal iyo Barcelona oo ahaa is-aragga labaad ee Copa del Rey kaas oo ay Barcelona ku badisay 1-3, uguna gudubtay Faynalka oo ay isku haleeli doonaan Atletico Bilbao.

BusquetsBusquets ayaa waxa ilmeeyey, isla markaana gacmaha kor u taagay isagoo dalbanaya caawimo degdeg ah markii uu nabarku ku dhacay, dabeeto waxa soo cararay koox dhakhaatiir ah oo gargaar u fididyey, waxa intii ay dhakhaatiirtu ku foorareen laacibkan iyaguna madaxa haystay taageereyaasha Barcelona oo naxdin kala qaboobay.

Xiddigan dhexda ah oo halbowle u ah kooxdiisa ayaa waxa la xaqiijiyey in uu maqnaan doono kulanka labaad ee Champions League ee Barcelona ay garoonkeeda ku martigelin doonto Manchester City laba toddobaad kadib.

Laacibka Tomas Pina ee dhaawaca gaadhsiiyey Bosquets ayaan wax kaadh ah la siinin iyadoo uu garsoorihii ciyaartu go’aamiyey in ay ciyaartu socoto oo aan lagu khaldamin ninka dhaawacmay, hase yeeshee waxa uu daqiiqaddii 65aad khalad ka galay Neymar waxaana la siiyey kaadh cas balse laacibka reer Brazil ayaan waxba ku noqonin khaladka Tomas inkasta oo uu jilibka ka cawday.

Madaxweynaha Barcelona, Josep Bartomeu ayaa ciyaarta kadib warbaahinta la hadlay, waxnaanu yidhi: “Dhaawac ma gaadhin lafta, laakiin seedaha ayaa cawarmay oo wakhti ayay qaadanaysaa in uu bogsado Busquets.”.

Barcelona ayaa waxa ay Axadda la ciyaari doontaa Rayo Vallecano, waxa ugu xigi doonta Eibar, kadibna Manchester City oo ay ballansan yihiin Arbacada 18-ka bishan.

Daawo sawirrada Busquets:

Busquets 2

Busquets1

Busquets

Busquets..

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barça iyo Athletic Oo Faynalka Copa del Rey Isku Haleeli Doona Bernabéu

Manchester United vs Newcastle: Ciyaartooyo Candhuuf Isku Tufay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com