In Uu Real Madrid Ka Filayo Xaflad Sagootin Sida Iniesta, Xidigii Ugu Fiicnaa Uu Kaga Hor Yimid Kubada Cagta Iyo Kii Ugu Fiicnaa Uu Ka Garab Ciyaaray & Dhowr Arimood Kale Uu Ka Hadlay Casillas.

Goolhaayihii hore kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain Iker Casillas ayaa aaminsan in uu Los Blancos uu ka heli doono xaflad aad u qurux badan ee sagootin sida Andres Iniesta, inkastoo uu ka dhaqaaqay garoonka Santiago Bernabéu mudo dhan saddex sano kahor.

Iker Casillas oo wareysi dheer siiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu kaga hadlay dhowr arimood muhiim ah waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu wareysigan kaga hadlay xaflad sagootinta uu ka rajeenayo in uu ka helo Real Madrid wuxuuna yiri: “Dhamaanteen waan jecelnahay inaan helno xaflad sagootin sida tan Iniesta oo kale u qurux badan, laakiin wali ma aanan waayin, xaaladeyda aad bay u duwaneed xiligaas, laakiin waxaan hubaa in mustaqbalka aanu heshiin doono, waana arki doonaa waxa dhaca”.

Halyayga xulka qaranka Spain ayaa wuxuu sidoo kale hadlay in aanu kusoo bixin liiska xulka qaranka Spain ee ka qeyb gali doona koobka aduunka 2018, taasoo ka dhigan inay noqon doonto markii ugu horeesay tan iyo 1998 wuxuuna yiri: “Julen Lopetegui wuxuu heystaa fikrad uu ku doonayo in uu fursad ku siiyo ciyaartoyda da’ada yar, waxaana u maleynayaa inay tahay wax sax ah, waan fahmay waxa uu raadinayay, haatan wuxuu heystaa ciyaaryahano aad u xoogan”.

Intaas kadib Casillas ayaa ka hadlay kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos wuxuuna yiri: “Waa daafac fiican, marwalba waxaan jeclahay in aan ka ciyaaro kooxdiisa, waxa uu kufiican yahay booska difaaca uu haatan ka ciyaaro, marka loo fiiriyo halka uu xiligii hore ka ciyaari jiray ee ah difaaca garabka midig”.

Casillas ayaa wuxu sidoo kale ka hadlay jaceylka uu wali u qabo Real Madrid wuxuuna yuri: “Waxaan wali saxiixaa maaliyadaha kooxda Real Madrid, xitaa hadii ay iigu baaqaan inaan dib u soo laabto waan soo laabanayaa, waxaan wali ahay taageere kooxda Real Madrid, hadii aan ku suganahay caasimada Madrid waxaan aadayaa durbadiiba Santiago bernabéu anigoo ah taageere kooxda ka tirsan”.

Goolhaayihii hore Real Madrid ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay wararka ku aadan in Cristiano Ronaldo uu ka tagayo kooxda iyo in badalkiisa uu imaan doono Neymar Jr wuxuuna yiri: “Ilaa iyo maanta ma jirto qof badali kara booska Ronaldo, kubada cagta waxay sameesay hormar, wax badana waan sii weynaaneynaa, dabcan Messi waa weeraryahanka ugu fiican ee aan waligey la kulmay, halka Cristiano uu yahay kan ugu fiican aan kasoo garab ciyaaray, sababtoo ah wuxuu sameynayaa waxyaabo aan caadi aheyn, waa mid waalan”.