Inter Milan Oo Cashar u Dhigtay Cagliari Horyaalka Yurubna Boos Ka Raadinaysa

Kooxda dharaaraha adag soo mareen ee Inter Milan ayaa durduro iyo 2-1 ku dhaaftay kooxda sii daadegaysa ee Caglari ciyaar labada naadi ku dhex martay geggida  Stadio Sant’Elia ee Cagliari Salaasadii.

ciyaaryahan Mateo Kovacic ayaa furay gool dhalinta isla daqiiqadihii ugu horeeyey ee laga soo noqday nasashada qaybtii hore oo bilaa goolal ku dhamaatay.

Mauro Icardi ayaa daqiiqadii 68 aad isna goolka labaad u dhaliyey Inter Milan, waxaanay Cagliari ahayd mid laga awood batay , laakiin waxay isa soo celisay daqiiqadii 74 aad ee ciyaarta markaas oo weerar adag oo ay soo qaaday uu isla goolkiisa ka dhaliyey ciyaaryahan Juan Pablo Carrizo oo Inter Ahi.

Guushan Narazuriga u soo hoyatay ayaa ka dhigaysa kooxda tababare Roberto Mancini mid ku dagaalamaysa boos ay ka hesho kaalmaha ugu sareeya horyaalka Seria A , si ay u cidhiidhsato sanadka dambe horyaalka Yurub, waxaanay 3 dan dhibcood ku fadhiisiyaan kaalinta 6aad ee kala saraynta, halka Cagliari ay ka midka tahay 3 da kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Messi duni kale ayuu ka yimid, laakiin Suarez iyo Neymar cabsiyi nagama hayso – Nasri

Kooxda kubadda cagta Duulista iyo Hawada oo Karbaashtay Kooxda Wakaaladda Biyaha Berbera kuna guuleysatay koob lagu daah-furayey Terminal Cusub

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com