Inter Milan Oo Goor Aan Goor Ahayn Goolkii Lagu Bareejeeyey Laga Dhaliyey

John Guidetti ayaa wakhti daayacii ciyaarta lagu daray gool uu shabaqa ku ruxay barbaro ku soo celiyey ciyaartii xallay labada kooxood ee Celtic iyo Inter ku dhex martay garoonka Celtic Park.Inter Milan oo xili dambe laga nixiyey 1
Laba khalad oo uu sameeyey Craig Gordon ayaa naadiga martida ahaa u suurto galliyey inay laba gool u bedelaan kulan qaybtii hore oo kaliya shan gool la iska dhaliyey.Inter Milan oo xili dambe laga nixiyey 2
Xherdan Shaqiri ayaa furay gool dhalinta shan daqiiqo oo kaliya markii ay ciyaartu socotay iyadoo uu Rodridgo Palacio goolkii labaad u raaciyey isla qaybtii hore ee ciyaartaba taas oo ay Inter hogaanka ku qabatay.Inter Milan oo xili dambe laga nixiyey 3
Celtic ayaa dib u dagaal gashay , waxaana u suurto gashay gool uu u dhaliyey Stuart Armstrong iyo mid uu kooxdiisa ka dhaliyey Hugo Campagnaro inay ciyaarta kula sinmaan kooxda Talyaaniga ah.Inter Milan oo xili dambe laga nixiyey 4
Laakiin kubad uu khalday Gordon isagoo damacsan inuu baas siiyo goolwade Gary Medel, ayaa u gacan gashay Palacio, kaas uu ku ruxay shabaq aan cidina ka horjoogin.Inter Milan oo xili dambe laga nixiyey 5
Laakiin dhamaadkii ayuu Guidetti u soo celiyey goolka saddexaad ee niyad jabka ku riday Inter kaas oo ciyarta barbaro ka dhigay 3-3 ah.Inter Milan oo xili dambe laga nixiyey 6
Labada kooxood ayaa is araga labaad waxay ku wada ciyaari doonaan garoonka caanka ah ee San Siro Khamiista dambe.Inter Milan oo xili dambe laga nixiyey 7 Inter Milan oo xili dambe laga nixiyey 8

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Cunsurigu Maaha Taageeraha Kubada Cagta

Tottenham Iyo Fiorentina Oo Isla Gal-gashay + Sawiro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com