Inter Milan Oo Soo Afjartay 10 Ciyaarood Oo Guul La’aan Ah

Inter Milan ayaa gaadhay guusheedii u horreysay muddo toban ciyarood ah oo ay guul darro iyo barbar dhac ku jirtay, kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay Bologna.

Inter oo barbar dhac iyo guul-darrooyin ku jirtay laga soo bilaabo 9 December oo ay Juventus 0-0 ku kala baxeen, ayaa waxay dib ugu soo laabatay jidka guusha, waxaana ay mahadda saddexda dhibcood siisay laacibka da’da yar ee Yannn Karamoh oo guulka guusha dhaliyey ciyaarta oo 1-1 maraysa.

Eder ayaa Inter Milan u dhiibay hoggaanka ciyaarta daqiiqaddii labaad, waxaase ka daba-yimid gool niyad jabiyey oo ay Bologna kula barbaraysay, kaas oo uu dhaliyey Rodrigo Palacio oo hore ugu ciyaari jiray Inter Milan.

Daqiiqaddii 63aad ee ciyaarta ayey Inter Milan niyadda gelisay inay guuleysanayso, markaas oo laacibka da’da yar ee Yann Karamoh uu goolka goolka Bologna ka toogtay masaafo u jirta 25 yard, waxaana halkaas ka bilaabmay dabbaal-deg.

Bologna waxa intii ay ciyaartu socotay laga saaray labada ciyaartoy ee Ibrahima Mbappe iyo Adama Masina, hase yeeshee, waxay ahayd wakhti ay Inter hoggaanka hayso.

Inter Milan ayaa ay guushani ka caawisay inay kaalinta saddexaad soo gasho, waxaase ay 15 dhibcood ka hoosaysaa Napoli oo hoggaanka haysa, taas oo laba bilood ka hor ay isku dhibco ahaayeen.