Inzaghi: AC Milan wey guuleysan kartaa dhamaan ciyaaraha u hadhay

Naadiga lagu naanayso The Rossoneri ayaa ku dhacday kaalinta 11 aad ee horyaalka todobaadkii dhamaaday laakiin tababaraha xaaladu ku cakiran tahay wuxuu ku adkaystay inay horyaalka meel fiican ka gaadhi karaan.Filippo Inzaghi 1

Filippo Inzaghi ayaa sheegay in taageerayaasha kooxda AC Milan ay ku saxsan yihiin ‘dhawaaqyada iyo eedaha” ay kaga soo horjeedaan xaalada wakhtigan naadigu ku sugan yahay, laakiin wuxuu macno la’aan ku tilmaamay inaanay samir iyo dulqaad la imanin, isagoo xusay in kooxdiisu ay guuleysan karto guud ahaan ciyaaraha 16 ka ah ee uga hadhsan horyaalka Seria A.

Naadiga lagu naanayso the Rossoneri ayaa ku dhacay kaalinta 11 aad ee kala saraynta horyaalka todobaadkii tagay kadib markii ay Juventus ku garaacday 3-1 , laakiin tababaraha xaalkiisu eriga yahay wuxuu ku celceliyey inay boodhka ka kacayaan.

“Waa in nalagu canaanta kaalinta aanu kaga jirno horyaalka imika, laakiin waxa kaliya oo aad kaga bixi kartaa marxaladaha adag waa shaqo fiican iyo damac sareeya,” ayuu weeraryahankii hore ee xulka Italy ku yidhi saxaafada maalintii Sabtidii.

“Taageerayaashu waxay ahaan jireen kuwo aad u samir badan, laakiin wey i yaqaanaan waanay ka war hayaan damacayga ah inaan kooxda dhulka ka soo qaado oo shaqo fiican qabto dedaalkayga oo dhana waan gellinayaa.

“Dhamaadka 90 ka daqiiqona waxaanu isku diyaarin doonaa damaashaadka iyo faraxa haddii aanu u qalano. Cambaarayntu wewer iguma hayso maxaa yeelay waxaan ahay qof isku kalsoon oo diyaar u ah inuu cid kasta iska celiyo si kastoo ay tahay.

“Sax maaha in laga eego liiska kala saraynta wakhtigan, waxaanu doonaynaa inaanu ku ciyaarno si adag ilaa ciyaarta ugu dambeysa, Marka horyaalku dhamaadona markaas kadib nala eego meesha aanu ka gaadhno.

“Haddii aanu soo dhigno bandhigii Milan samayn jirtay, waan hubaa inaanu guulaysan doono dhamaan 16 ka kulan ee noo hadhayba.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Nin Qaawan Oo Dhex Qaaday Garoonka Ciyaartii Furitaanka Koobka Aduunka Ee Ciyaarta Cricket-ka

Natiijo Mucjiso Ah: 23 Gool oo ka dhashay 3 ciyaarood

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com