3:03 pm - Tuesday August 23, 9644

Iran Bus bay goolka hordhigteen- Mikel

Aidarous

John Obi Mikel ayaa ku eedeeyey xulka qaranka Iran , kuwo goolkooda hortiisa baabuur bas ah ku hor xanibay , kulankii ay barbaraha 0-0 ka ah isla dhaafi waayeen Nigeria ee Isniintii.

Kulankooda oo ahaa kii ugu horeeyey ee tartankan koobka aduunka sanadkan barbar dhac ku dhamaada , ayaanay xulka lagu naanayso The Super Eagles, u suurto gallin inay weerar wax ku ool ah ku qaadaan Iran, difaacooda oo bir ahaa darteed.
Mikel oo Nigeria u hayay doorkii number 10 ku qaban lahaa, ayaa la gudoon siiyey xidigii ciyaarta.

Ciyaarta kadibna, laacibkan kooxda Chelsea wuxuu ku adkaystay in xulkiisu sameeyey shaqo fiican , isla markaana looga baahan yahay oo kaliya inay weerarka indho fiiqan u yeeshaan haddii ay doonayaan inay ka gudbaan heerka Group-yada tartanka.

“Aad ayaan uga niyad jabnay , waayo ciyaarta furitaanku waa ta u muhiimsan.” ayuu ku yidhi saxaafada.
“Waxaanu isku dayaynay inaanu guusha qaadano, Laakiin Iran oo ogayd waxaanu doonayno ayaa 11 nin saftay goolka hortiisa, waxay ku guulaysteen inay joojiyaan qaab ciyaareedkii aanu rabnay.”

“Waa inaanu fursado badan abuurnaa kulanka dambe , oo indho fiiqan u yeelanaa kubadaha afka hore taga oon dhalinaa.”
Xulka qaranka Nigeria ayaa ciyaartooda soo socota ku beegan xulka aan la dhayalsan karin ee Bosnia maalinta Sabtida ah.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ma Ogtahay Inay Koobka Aduunka Ka Hadhayso Caawa Kooxdii Laga Badiyo Ciyaarta Cameroon vs. Croatia

Tababare Mourinho Oo qaranka Spain uga digay inay caawa ciyaarsiiyaan Goolhaye CASILAS

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: