Iran Oo Noqotay Waddankii 1aad Ee Muslim Ah Ee U Iska Xaadiya Koobka Adduunka 2018 Iyo Dalkii 2aad Dunida Oo Dhan

Waddanka Iran ayaa xaqiijiyey inuu ka qayb-geli doono koobka adduunka ee sannadka dambe 2018 lagu qaban doono Ruushka, kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen Uzbekistan oo ay iskaga hor yimaaddeen ciyaar ka dhacday magaalada Tehran oo isreeb-reebka Koobka Adduunka ka mid ahayd.

Laba gool oo ay u dhaliyeen Sardar Azmoun iyo Mehdi Taremi ayaa u horseeday Iran oo uu tababare u yahay Carlos Queiroz oo ah macallinkii hore ee xulka qaranka Portugal, inay noqoto waddankii koowaad ee Muslim ah ee u gudba koobka Adduunka 2018, iyadoo dalalkii kale ee dunidu ay wali isreeb-reeb ku jiraan.

Waxa kale oo Iran ay noqotay waddankii labaad ee dunida oo dhan ee xaqiijiya inuu u duuli doono Ruushka sannadka dambe, waxaana ka horreeyey xulka qaranka Brazil oo iyadoo dalalkii kale ee Latin America isreeb-reeb ku jiraan dhibco badan urursaday, isla markaana mar horeba ay u caddaatay inuu tegayo, xattaa haddii laga badiyo ciyaaraha u hadhay.