8:22 am - Saturday August 19, 2017

Isbeddel Lagu Samaynayo Wakhtiga Ciyaaruhu Soconayaan – U Diyaar Garow 30 Daqiiqo Oo Kaliya

Abdiwahab Ahmed

Guddida sare ee caalamiga ah ee dejinta Shuruucda ciyaaraha ee IFAB ayaa soo bandhigay hindise wax lagaga beddelayo sharciga ciyaaraha oo lagu yaraynayo inta ay ciyaartu socoto.

Sharciga IFAB ay doonayaan in loo guuro oo ciyaaraha lagu maamulo ayaa waxa uu dhigayaa in la yareeyo wakhtigu ay ciyaaruhu socdaan oo laga dhigo 60 daqiiqo halka ay hadda ka tahay 90 daqiiqadood.

IFAB waxay sheegeen in sharciga cusub ee ay doonayaa in la hirgeliyo uu dhigayo in ciyaarta loo diido inay istaagto ama kubaddu ku lunto tuurasho iyo ciyaartoy istuuray. Marka ay kubaddu dibedda uga baxdo garoonka, waxa uu garsooruhu istaajin doonaa saacadda, marka la soo tuurtana dib ayaa loo bilaabi doonaa. Sidoo kale, marka uu ciyaartoy dhulka ku dhaco ee la daweynayo, waxa uu garsooruhu istaajin doonaa saacadda, isla marka uu kacona dib ayuu u bilaabi doonaa.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa dhamaanaysa sida sharcigu dhigayo marka ay saacadduu gaadho 30 daqiiqo, qaybta dambena intaa in le’eg, waxaanu sharcigu meesha ka saarayaa wakhtigii ku lumayay tuurashada iyo ciyaartoyga jiifa, saacadduna waxay xisaabin doontaa kaliya inta ay kubaddu socoto.

Fikir kale ayaa jira oo soo jeedinaya in garoomada lagu xidho shabaq kubbadda soo celinayo oo u diidaya inay dibedda u baxdo si looga badbaado in la tuurto oo wakhti lumo. Fikirkani, waxa uu leeyahay ciyaartu waa inay socoto uun, kaliyana la istaajiyo marka ciyaartoy lagu xanaaqo ama mid la beddelayo, laakiin fikirkani uma muuqdo mid la qaadan karayo.

Gianfranco Zola oo hore tababare ugu ahaan jiray Chelsea, una ciyaari jiray xulka qaranka Talyaaniga ayaa soo dhoweeyey sharciga cusub, waxaanu tibaaxay inay tani faa’iido u tahay kooxaha oo lagaga badbaadayo wakhtigii lumayay, ciyaartuna si degdeg ah oo habsami leh u soconayso.

Goolhayaha Arsenal Petr Cech ayaa isaguna bartiisa bulshada kaga dareen celiyey.

 

 

Waa ayo IFAB

IFAB waxa wada sameeyey FIFA iyo afarta gobol ee Britain ka kooban tahay ee England, Scotland, Wales iyo Northern Ireland, waxaanay masuul ka yihiin inay go’aan ka gaadhaan sharciyada loo sameeyo ciyaaraha ama la beddelayo.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mohamed Salah Oo U Duulay Liverpool

Bayern Munich Oo Man City Uga Hadhay Alexis Sanchez

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: