6:42 pm - Monday August 21, 2017

Isco Oo Laga Reebay Xulka Spain Uga Qayb Gallaya Koobka Aduunka

Aidarous

Tababaraha xulka qaranka Spain, Vicente del Bosque ayaa ku dhawaaqay xul 30 ciyaaryahan ka kooban oo Spain u matalaya koobka Aduunka Brazil , kaas oo labada xidig ee naadiga Real Madrid ee Alvaro Arbeloa iyo Isco ay yihiin labada laacib ee maqnaanshohooda sida weyn looga tabay liiska soo baxay.

Isco ayaan soo bandhigin ciyaar qurux badan ciyaarihii horyaalka qaybtii dambe oo dhan, in kastoo uu hadana marar badan badbaadiyey, taas ayaana loo badinayaa sababta uu uga tagay tababare Del Bosque, halka Arbeloa uu booska ka saaray wiilka dhawaan soo baxay ee Dani Carvajal.

Dhinaca kale, Iker Casillas ayaa ku jira xulka Spain ee lagu dhawaaqay, waloow aanu safanin inta badan ciyaarihii kooxdiisa Madrid yeelanaysay, kuna qaatay kursiga kaydka, halka Thiago Alcantara iyo Fernando Llorente ay sidoo kale labadooduba liiskan ku jiraan.

Del Bosqueayaa xulkiisa kama dambeysta ah ee 23 ka ciyaaryahan ka kooban ku dhawaaqi doona Bishan May 25-keeda.

Qaranka Spain ayaa wajahi doona xulalka Netherlands, Chile iyo Australia oo ay ku wada jiraan Group B.

Xulka oo dhamaystiranina wuxuu noqonayaa Sidan:

Goolwade: Iker Casillas (Real Madrid), Pepe Reina (Napoli), David de Gea (Manchester United)

Difaaca: Dani Carvajal, Sergio Ramos (Real Madrid), Juanfran (Atletico Madrid), Raul Albiol (Napoli), Javi Martinez (Bayern Munich), Alberto Moreno (Sevilla), Jordi Alba, Gerard Pique (Barcelona), Cesar Azpilicueta (Chelsea)

Dhexda: Andres Iniesta, Cesc Fabregas, Sergio Busquets, Xavi (Barcelona), Santi Cazorla (Arsenal), Juan Mata (Manchester United), David Silva (Manchester City), Thiago Alcantara (Bayern Munich), Ander Iturraspe (Athletic Bilbao), Koke (Atletico Madrid), Xabi Alonso (Real Madrid)

Weerarka: Diego Costa, David Villa (Atletico Madrid), Alvaro Negredo, Jesus Navas (Manchester City), Fernando Torres (Chelsea), Fernando Llorente (Juventus), Pedro (Barcelona)

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Suarez Oo Labada Gacmood Ku Kala Haya Abaal Marinihii La Gudoonsiiyey

Suarez Oo Biladdii 4 aad Lagu Tollay -Ciyaaryahankii Xili Ciyaareedka-

Drogba : Weeraryahankii Hore ee Kooxda Chelsea

Drogba Oo Kabtan Looga Dhigay Xulka Ivory Coast Koobka Aduunka U Matalaya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: