3:03 pm - Wednesday August 23, 9550

Iska iloow Barcelona: Man City & PSG oo Barca kula soo biiri doono ganaaxa suuqa kala iibsiga ee xagaaga

Khadar Dirir

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa inay khatar ugu jirto in UEFA ku soo rogto xayiraad dhanka suuqa kala iibsiga ah taasoo haddii ay dhacdana u diidi doontaa City inay ciyaartooy kala soo wareegto suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda, kadib markii la sheegay in kooxdan ay jabisay sharciga funnaanadaha  ee ururka kubadda cagta qaarara yurub ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan UEFA.

Kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ayaa waxaa haatan ku socda baadhitaano ay wado UEFA oo lagu baadhayo lacagihii ay kooxda ku qarash gareysay suuqa gaar ahaan labadii xilli-ciyaareed ee la soo dhaafay ee 2011-12 iyo 2012-13. City ayaa la sheegay in markii ay la soo wareegeysay xiddigaheeda kala ah Sergio Aguero, Samir Nasri, Javi Garcia, Gael Clichy iyo Matija Nastasic uu mulkiilaha kooxdaas ee Sheikh Mansour bin Zayed al Nahyan uu khasaaray lacag dhan £149m, waana sababta keentay in xidhiidhka kubadda cagta ee UEFA dabagal ku sameeyaan arintan.

Marka laga soo tago City, Sida laga soo xigtay The Telegraph sidoo kale waxaa sheekadan soo galaya kooxda difaacaneysa horyaalka dalka France ee Paris Saint-Germain oo iyana laga yaabo in gaanaxa oo kale uu ku dhaco sababo la xidhiidh  lacago badan ay ku bixiyaan qaab qilaafsan shariciga funaanadaha  ee ururka kubadda cagta qaarara yurub UEFA.

Si kastaba, warka ayaa inta ku daraya in laga yaabo labadan kooxood laga hor istaago in midkoodna uusan ka qeyb gelinta tartanka koobka horyaallada yurub ee Champions League, walow lagu wado in maanta oo Talaado ah iyo beri Arbacada ah ay UEFA kusoo afjaro kooxdii jabisay sharciga funnadaha  isla markaana ku soo saarto go’aanta ugu dambeeya.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Koox La Basaasay Oo Dacwad Cabasho Ah U Gudbisay Xidhiidhka Premier League

Real: Waa Kooxda ugu liidata Semi-finalka Champions League

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: