6:54 am - Sunday August 20, 2017

Isku Aadka Champions League Oo La Shaaciyey Iyo Labadii Kooxood Ee Ugu Tunka Weynaa Oo Isku Beegmay

Abdiwahab Ahmed

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee EUFA, ayaa shaaciyey isku aadka wareegga Semi Finalka ee tartanka naadiyada Yurub ee loo yaqaanno Champions League.
Afarta kooxood ee Real Madrid, Bayern Munich, Atletico Madrid iyo Chelsea oo ah naadiyada iskugu soo hadhay wareeggan ayaa lagu kala saaray qori tuur, halkaas oo ay afka iska galeen kooxihii ugu tunka weynaa ee saadaasha hanashada horyaalnimada Yurub ee sannadkan loo badinayey.
Kooxda haysata horyaalka ee Bayern Munich ayaa waxay isku dhaceen Real Madrid oo iyaduna raadinaysa koobkeedii tobnaad.
Wiilasha uu macallinka u yahay Pep Guardiola iyo kuwa uu layliyo Carlo Ancelotti ayaa kulmaya markoodii afraad tan iyo sannadkii 2012.
Dhinaca kale, kooxda reer Ingiriis ee Chelsea ayaa waxay waajihi doontaa Atletico Madrid oo uu horkacayo goolhaye Thibaut Courtois oo amah ahaan kula jooga Atletico.
Kulamada koowaad ayaa waxa ay ka dhici doonaan dalka Spain, 22ka iyo 23 April, iyadoo ay Real Madrid iyo Atletico Madrid marti gelin doonaan Bayern Munich iyo Chelsea, iyadoo lugta labaadna lagu ciyaari doono garoonka Bayern iyo ka Chelsea 29-ka iyo 30-ka bishan May.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Dortmund Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Soo Xero Gallisay Bedelka Lewandowski

Xogo Muhiim Ah Oo Laga Ururiyey Taariikhda Ciyaareed Ee Kooxaha Bayern, Real Madrid, Atlético Iyo Chelsea

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: