11:44 pm - Thursday July 27, 2017

Besiktas Stadium: Qaraxyo Gil-gilay Istanbul Oo Galaaftay Nolosha 13 Ruux Iyo Dhaawaca Oo Tiro Beelay

Aidarous
Istanbul Qarax Gil-gilay

Laba qarax oo lala beegsaday meel u dhaw garoonka kooxda kubbada cagta ee Besiktas caasimada Istanbul, wadanka Turkey, ayaa galaaftay nolosha 13 qof, tiro badan oo kalena dhaawacyo ka soo gaadheen.

 

Masuuliyiin dowladda Turkiga ka tirsani, waxay sheegeen in qaraxyada la rumaysan yahay in loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey, iyo dad isqarxiyey, laguna bartilmaameedsaday saraakiil ciidanka Booliiska ka tirsan.

Dad goob joog ah ayaa u xaqiijiyey warbaahinta, inay jirtay oo ay maqlayeen rasaas la is weydaarsanayo , saacado kadib markii ay taageerayaal ciyaar ku daawanayay Garoonka kooxda Besiktas ee Vodafone Arena ka dareereen goobta.

Istanbul Qarax Gil-gilay

Qaraxan fiidnimada Sabti dhacayna, wuxuu ku soo beegmay wax yar kadib markii ay dhamaatay ciyaar kubbada cagta ah oo ku dhex maraysay geggida, Vodafone Arena labada kooxood ee Besiktas iyo Bursaspor, labadaas naadi oo kamid ah kooxaha heerka koobaad ee dalka Turkiga.

Ilaa hadda ma jirto, koox ama cid sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxyadan caasimada Turkey ka dhacay.

War muriyeed rasmi ah oo uu soo saaray Madaxweynaha wadanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa u dhignaa sidan: “Weeraro argagiso ayaa lagu bartilmaameedsaday ciisamadayada ammaanka iyo muwaadiniintayada. Waxaa la fahansan yahay in qaraxyadan dhacay kadib ciyaartii dhex maraysay kooxaha Besiktas iyo Bursaspor ee kubbada cagta ahayd, looga dan lahaa in lagu dilo dad aad u tiro badan. Natiijada weeraraduna waxay noqdeen, inay noo yeelaan, mujaahidiin iyo dad dhaawacyo gaadheen.”

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ramos Oo Mar Kale Bed-baadiyey Real Madrid Iyo Rikoodhka Cusub

Istanbul Qarax Gil-gilay

Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Qaraxii Ka Dhacay Garoonka Kooxda Besiktas Oo 200 Qof Kor U Dhaafay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: