Isticmaalka muuqaalada ku celiska ah, marka dib loo eegayo go’aanada garsoorka, ee koobka naadiyada dunida, waxaa laga dhaxlay “Natiijo aad iyo aad u toggan”, sidaas waxaa yidhi, gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta dunida ee Fifa, Gianni Infantino.


Barnaamijkan ayaa markii ugu horeysay la isticmaalay Arbacaddii, rigoodhena loogu qabtay kooxda Kashima Antler, ciyaartii ay’ 3-0 ka kaga dul talaabsatay Atletico Nacional, iyadoo uu garsooruhu rigoodhaha ku qabtay markii uu xog ka helay callanwalihiisa.

Marco van Basten, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan guddida horumarinta ciladaha farsamo ee FIFA, ayaa go’aankii rigoodhaha lagu qabtay isagoo ka hadlaya, yidhi “Go’aan qaadashadaasi waxay qaadatay ilbidhiqsiyo wax aad uga ka badan”.

Laakiin, gudoomiye Infantino isagu wuxuu yidhi “Sinnaan iyo caddaalad ayaa ciyaaraha loo hellay”.

Muuqaalada ku celiska ah, waxaa mar kale dib loo isticmaalay ciyaartii Real Madrid ay kaga badisay Club America 2-0 ee semi-finals ka Khamiistii.

Garsoore, Enrique Caceres in yar oo tallo ah wuxuu weydiistay qaybta muuqaalada dib ugu celiska ah, ka hor intii aanu u ogolaan Goolkii uu Cristiano Ronaldo dhamaadka ciyaarta dhaliyey.

“Ugu dambeyntii, wax fiican ayay ahayd, go’aankii saxda ahaana wuu ka soo baxay,” sidaas waxaa yidhi, halyeygii hore ee xulka Netherlands – Van Basten. “Kaliya xidhiidhka u dhexeeya muuqaalada ku celiska ah iyo callanwadeyaasha iyo garsooraha ayaan ahayn kuwo si fiican isula jaan qaaday.”

BOURNEMOUTH, ENGLAND – JANUARY 16: Referee Robert Madley (2nd R) and match officials check the goalline technology prior to the Barclays Premier League match between A.F.C. Bournemouth and Norwich City at the Vitality Stadium on January 16, 2016 in Bournemouth, England. (Photo by Bryn Lennon/Getty Images)

Caawinta garsoor ee muuqaalada ku celiska ah, waxaa lagu isticmaalay tartanka naadiyada Dunida ka hor, laba ciyaarood oo saaxiibtinimo oo caalami ah, sanadkan, laakiin tartanka naadiyada adduunka isticmaalkiisu wuxuu noqonayaa markii ugu horeysay ee la adeegsado tartan FIFA qabatay oo caalami ah.