Italian FA: Minala waa 17 jir ee maaha 42 jir

Joseph Minala
Joseph Minala

Xidhiidhka kubada cagta Talyaaniga ee magacooda loo soo gaabiyo [FIGC] ayaa daboolka ka qaaday in xidiga dhalin yarada ah ee kooxda Lazio, Joseph Minala uu dhab ahaan yahay 17 jir, dambina ka been sheegid da’da ahna lagu waayay, sidii lagu eedeeyey bishii February.

Website Afrikaan ah ayaa qoray war uu ku sheegay in da’da laacibkan khadka dhexe ay tahay 42 sanno jir , isla markaana uu samaystay docomentiyo iyo waraaqo been abuur ah oo uu ku bedelay da;diisa si uu mustaqbal ugu yeesho kubada cagta , markii uu ku biirayay naadigan caasimada Talyaaniga ka dhisan, xulkiisa.

Warkaas ayaa dood ka abuuray wadanka Talyaaniga , baadhitaana lagu xaqiijinayo xaqiiqada warkaasna waxaa bilaabay xidhiidhka kubada cagta, laakiin aakhirkii, maalintii Arbacadii doraad, waxaa cadaatay in ciyaaryahankan reer Camaroon cimrigiisu yahay ka dhab ahaan ugu qoran waraaqihiisa dhalashada, sidaana waxaa daboolka ka qaaday xidhiidhka Talyaaniga.

War murtiyeen ay soo saareene waxaa u u qornaa sidan: “Xidhiidhka kubada cagta Talyaanigu , waxay cadaynayaan in wiilka da’da yar ee kooxda Lazio u ciyaara ee Joseph Minala da’diisu tahay 17 jir, mana jirto dambi been ka sheegid cimirigiisa ah oo uu gallay, sidii lagu eedeeyey bishii February.

“Ma jiraan wax shaki ah oo da’diisa laga qabaa , waana 17 jir.”

Been ka sheegida da’da, ayaa noqotay mushkilad weyn oo dul hoganaysay ciyaaryahanada Afrikaan-ka ah, tan iyo markii baadhitaano dheecaanka ‘DNA’ ah oo laga qaaday sagaal ciyaaryahan oo Afrikaan ah oo kamid ahaa,  ka qayb gallayaasha tartankii Olympic-a ee xulalka 17 jirada da’doodu ka hooseyso oo lagu qabtay Marocco, la cadeeyey in da’doodu ka weyn tahay inta ay sheegteen.

Congo-Brazzaville, Cote d’Ivoire iyo Nigeria ayaa min saddex ciyaaryahan ka socdeen kuwa loo xanibay ka been sheegida wakhriga dhalashada, halka sanad kadib wakhtigaasna , qaranka Nigeria , dhawr ciyaaryahan oo ka socday sabab taas la mid ah looga xayiray dhawr ciyaaryahan , tartankii koobka aduunka ee ciyaaryahanada da’doodu 17 ka sanno ka hooseyso.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Farshaxan-ku-sameeyey-iridka-hore-ee-darbiga-dugsi-ku-yaala-magaalada-Sao-Paulo-ee-wadanka-Brazil-Farshaxanka-lagu-magacaabo-Paulo-Brazil-on-May-23-2014.-AFP-Photo-Nelson-Almeida

‘Cuntaan Rabnaa, e Kubad ma Doonayno’: Sawir Gacmeedyo Lagu Xoojinayo Mudahraadyada Brazil ka Socda

Kulamada saaxibtinimo ee caawa xulalku ay ciyaarayaan iyo xilliga laga daawan doono geeska Afrika 

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com