Italy Oo Karbaashtay England Ciyaartii Aadka Loo Sugayay

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa ku bilaabay dardar tartanka koobka aduunka natiijo fiicana kala huleelay ciyaartii xallay kadib markii ay kaga adkaadeen qaranka England 2-1.

Barbar dhicii Daniel Sturridge ee goolkii uu xulka Italy hogaanka ugu dhiibay Marchisio , ayaan waxba u tarin qaranka England , waxaana niyad jab weyn ku riday kubadii madaxa ahayd ee uu Mario Balloteli uu ka xareeyey.

Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 2-1 ay saddexdii dhibcood ku qaateen Italy.