2:55 pm - Saturday July 29, 2017

Jacayl Waalli Ah Oo U Dhexeeye Bellerin iyo Esha Gupta + Sawirro

Abdiwahab Ahmed

bellerin

Waa dhab jacaylku, filimada Hindiga ahna badankoodu waxay ku sallaysan yihiin qisooyin la qurxiyey oo mala-awaal jacayl ka buuxo.

Arrintaas oo kale ayaa ka dhex socota kooxda kubadda cagta Arsenal oo uu laacibka baasha midig ee Hector Bellerin uu jacayl bastii la yahay, kaddib markii ay xidhiidh wada sameeyeen gabadh lagu magacaabo Esha Gupt oo ku guuleystatay quruxda waddanka Hindiya, markii dambena noqotay aktarad caan ah oo metesha filimada.

Bellerin oo ay da’diisu tahay 21 jir, ayaa uu qaab ciyaareedkiisa xili ciyaareedkani horumar weyn sameeyey, iyadoo dhinacna uu ka jilayo jacaylka Gupt.

 

This image requires a model release. Please contact a representative.

Gupt 2007 ayey ku guuleysatay quruxda India

Labadan xiddig ee midna jacaylka metesho midna kubadda ciyaaro, ayaa iyagoo ku midaysan jacaylkooda waxa lagu arkay badhtamaha magaalada London iyagoo ku socda Hotel lagu magacaabo Vanilla Black oo laga cunteeyo, halkaas oo markii ay gelayeen iyo bixitaankoodiiba laga qaaday sawirro iyagoo ay ka muuqato farxad iyo in ay isku qanacsan yihiin.

Bellerin iyo Gupta oo ku socda Hotelka

Bellerin iyo Gupta oo ku socda Hotelka

Wakhtiga ay gudaha ku jireen ayaa la sheegay in ay ka badnayd saddex saacadood, iyagoo waliba dalbaday Khudrad kaliya, laakiin haasaawe iyo qisooyinka jacayl ee quluubtooda ku duugan isku soo bandhigayey.

Markii ay baxeen waxay fuuleen gaadhi Mercedes ah oo uu leeyahay Bellerin.

Bellerin oo lala xidhiidhinayo in uu lacag badan ugu wareegi doono Barcelona, ayaa laga yaabaa in arrintaas ay caqabad ku noqoto Gupta oo si weyn u taageerta Arsenal, sawirro badanna ku baahisay baraheeda bulshada iyadoo xidhan dharka Gunners.

Waxay sawirro kula wadaagtaa boggeeda Instagram-ka malaayiin qof oo taageereyaasheeda ah oo ay ku jiraan Santi Gazorla iyo Robert Pires. Sawirrada boggeeda ku jira wax aka mid ah kuwo ay wada galeen Bellerin.

Quruxdeeda dabiiciga ah, jidhkeeda wakhtiga badan ay gelisay iyo qorqornaanta Rabbi ku galladay, ayaa da’deeda oo ah 30 jir ka dhigtay inay u ekaato 18 jir, sannadkii 2007 ayaanay ku guuleysatay gabadha ugu qurux badan waddanka Hindiya, waxaanay abaalmarinno ku qaadatay Filimada RAAZ 3D oo soo baxay 2012 iyo filimka suuqa aadka u galay ee Rustom ee sannadkan 2016 la metelay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Fadeexad Gogol-dhaaf Oo Sababtay Burburka Qoyska Antio Valencia

Chelsea: Ciyaartoy La Gowracay Iyo Murugo Ruxaysa Quluubta Inta Ka Badbaaday

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: