Waa magaaladii uu ku dhashay iyo halkii ku soo kacaamay, jacaylka uu u hayo iyo ka isaga loo qabaana xad ma laha. Laakiin laba isjecelba cado ma waayaan. Dadka oo kaliya maaha cadowga jacaylku, laakiin lacagta ayaa hadda ah cadowga koowaad.

Jacaylku maaha mid lammaane, laakiin waa ciyaartoy iyo taageereyaal jecel, koox ku faraxda iyo qalbigiisa oo ku dega marka uu funaanaddeeda xidho.

Carlos Tevez, waxa uu ku koray kuna barbaaray kooxda Bocca Juniors, jacaylka uu u qabo iyo ka isaga loo qabaana way kala daran yihiin, laakiin shandaddiisa ayuu u xidh-xidhay dhinaca dhulka Indho-yarta China.

Tevez ayaa Axaddii lagu sagootiyey ciyaar ay kooxdiisu lahayd, kaddib markii uu heshiis la galay naadiga Shanghai Shenhua oo lacagtii ugu badnayd ee abid ciyaartoy lasiiyo mushahar ahaan usiinaysa, taas oo dhan £615,000 toddobaadkii.

Carlos Tevez oo ay da’diisu tahay 32 jir, horena ugu soo ciyaaray kooxaha West Ham, Manchester City iyo Manchester United ayaa nabad-gelyeeyey taageereyaasha kooxdiisa Boca Juniors ciyaar Axaddii ay 4-1 ku karbaasheen naadiga yare e La Bombonera, taas oo markii uu dhaliyey goolka labaad la saaray daqiiqaddii 90aad si taageereyaashu istaag, sacab iyo heeso ugu sagootiyaan.

Mid ka mid ah taageereyaashii garoonka daawanayey ayaa orod kaga soo degay dusha sare, waxaanu u tegay Tevez oo uu jilbaha qabsatay. Waxa jiray taageereyaal badan oo kale oo intay jidhkooda dillaaciyeen dhiiggooda ku qoray ereyo ay ka mid ahaayeen: ‘Ha naga tegin, Carlos!’

Tevez ayaa dib ugu laabtay Boca Juniors sannadkii hore isagoo uga soo wareegay Juventus, waxaana uu uga sii gudbayaa waddanka China oo uu noqonayo ciyaartoyga ugu mushaharka badan.

Laacibka Reer Brazil ee Oscar ayaa isna la filayaa in uu maalmaha soo socda u duulo waddanka China, iyadoo uu socdo wada-xaajood £60million ay ku iibsanayso Shanghai SIPG.

10-ka ciyaartoy ee kubadda cagta ugu mushaharka badanaanaya dhawr cisho kaddib

1) Carlos Tevez (Shanghai Shenhua) £615,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £31.98m

2) Oscar (Shanghai SIPG) £400,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £20.8m

3=) Cristiano Ronaldo (Real Madrid) £365,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £19m

3=) Lionel Messi (Barcelona) £365,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £19m

5) Gareth Bale (Real Madrid) £346,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £18m

6) Hulk (Shanghai SIPG) £317,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £16.5m

7) Paul Pogba (Manchester United) £290,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £15m

8) Neymar (Barcelona) £289,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £15m

9=) Graziano Pelle (Shandong Luneng) £260,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £13.5m

9=) Wayne Rooney (Manchester United) £260,000 toddobaadkii, sannadkiina noqonaysa  £13.5m