Jamaahiirta Real Madrid Oo Caddeeyey In Neymar, Cavani, Mbappe Iyo Alves Ay Ku Wanaagsanaayeen Real Madrid

Taageereyaasha Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa afti laga qaaday waxay ku caddeeyeen in kooxdoodu ay horumar samayn lahayd haddii ay kusoo biiri lahaayeen afar ciyaaryahan oo ka tirsan PSG.

Neymar, Cavani iyo Mbappe ayaa ay taageereyaasha Real Madrid u doorteen inay afkooda hore kusoo bixi lahaayeen, isla markaana ay booska ka tuuri lahaayeen Benzema, Bale iyo Cristiano Ronaldo oo sannadihii u dambeeyey guulo badan gaadhsiiyey, hase yeeshee sannadkan ay ka jiifto.

Afti uu qaaday wargeyska MARCA oo adeegsanaya bartiisa Internet-ka ee Marca.com ayaa waxay isku waafaqeen in haddii Real Madrid ay ku jiri lahaayeen  Kylian Mbappe, Edinson Cavani iyo Neymar aanay u dhibaatoon lahayn siday hadda u xarbiyeyso.

Khadka dhexe ayaa ay taageereyaashu u codeeyeen in Kroos, Modric iyo Casemiro ay yihiin lama taabtaan bilaa dhalliil ah, hase yeeshee difaaca ayaa ay soo xusheen hal ciyaartoy oo PSG ka tirsan oo si layaab leh uga dhex muuqda doorashadooda.

Difaaca reer Brazil ee Dani Alves oo ah halgamaaga reer Brazil oo ay u qaateen booska Carvajal.