James Milner Oo Beddelaya Steven Gerrard

James Milner ayaa isaga tegi doona Manchester City bisha June, waxaanu heshiis la saxeexan doonaa oo uu si rasmi ah ugu biiri doonaa Liverpool.

Sida uu qoray wargeyska Sunday People ee ka soo baxa UK, laacibka khadka dhexe ee u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa go’aansaday in uu ka tago kooxda City, si uu loollan hor leh u helo.

Warku waxa uu sheegay in Liverpool ay mushahar u siin doonto Milner lacag dhan £125,000 toddobaadkii si uu u buuxiyo kaalinta uu bannayn doono Steven Gerrard oo bisha June ka tegi doona Liverpool, una wareegi doona kooxda reer Maraykan ee LA Galaxy.

Toddobaadyadii ugu dambaysay, tababaraha kooxda Manchester City, Manuel Pellegrini iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxdaas Txiki Begiristain ayaa isku dayayay in ay ka dhaadhiciyaan Milner in uu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa, hase yeeshee sida ay sheegayaan xogo laga helay ciyaartoyga, habeenkii xalay ayuu sheegay Milner in uu ka tegi doono naadigaas.

Warkan ayaa taageereyaasha City niyad jab ku noqon doona, maadaama uu Milner ka mid yahay ciyaartooyada tirada yar ee u dhashay England ee kooxdaas u ciyaara.

Waxa hore uga tegay City ciyaartooyo u dhashay England sida Gareth Barry, Micah Richards iyo Scott Sinclair, waxaana haddii uu Milner tago laga yaabaa in ay ka niyad jabaan taagaareyaasha oo aan jeclayn in kooxda laga faaruqiyo ciyaartooyada dalkaas u dashay.

Liverpool ayaa u damaanad qaadday Milner in uu heli doono fursad aanay cidi ku qabsan doonin oo ah khadka dhexe.

Tababaraha Liverpool ee Brendan Rodgers oo aad u xiisaynaya saxeexa ciyaartoy ayaa sida uu qoray wargeyska Sunday People, waxa uu la dhacsan yahay in khibraddii, sumcadda iyo saamayntii uu Gerrad ku lahaa da’yarta kooxda uu la wareegi karo Milner.

Manchester City ayaa la sheegay in haddii uu Milner ka tago in ay iibsan doonto Barkley oo ah laacib khadka dhexe ka ciyaara una dhashay England.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Benzema: Waan Ku Guuleysan Karaa Xiddiga Adduunka

Zidane Oo Ogolaaday In Uu Tababare U Noqdo Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com