10:06 am - Thursday June 29, 2017

James Rodriguez: “Kama Tegayo Real Madrid”

Abdiwahab Ahmed

Toddobaadyo iyo bilo ka horreeyey oo ay warbaahinta ku jirtay in uu James Rodriguez ka tegayo Real Madrid iyo hadal uu isaga laftiisu ku xaqiijiyey inaanu ku faraxsanayn kooxdiisa kaddib, waxa uu warbaahinta la hadlay markii uu laba gool ka dhaliyey Sevilla oo Madrid marti ugu ahayd Bernabeu.

Xiddigan reer Colombia ayaa warbaahinta u sheegay markii ay ciyaartu dhamaatay in uu ku sii negaan doono Real Madrid, waxaanu yidhi: “Dhamaan ciyaartooyada jooga Real Madrid waxay doonayaan inay ciyaaraan, dhamaantayona wakhtiyo adag ayaanu la kumaynaa, laakiin hadda sannad cusub ayaa ii bilaabmay, waxaanan sii joogi doonaa Real Madrid”

James waxa uu xusay in uu si fiican u ciyaari doono markasta oo tababuhu uu siiyo fursad, waxaanu yidhi: “Waxaan doonayaa kaliya inaan si fiican u ciyaaro marka fursad la isiiyo, waxaan rabaa inaan awood u yeesho in aan sameeyo sida maanta oo kale oo aan kooxda ka caawiyo inay goolal samayso.”

Waxa kale oo uu James xusay in lugta labaad ee kulamada Copa del Rey ee Sevilla ay dareen dheeraad ah siin doonaan.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Diego Costa Iyo Pedro Oo Ku Sigtay Inay Gacanta Isula Tagaan

Argagaxii PSG Kala Kulantay Waddanka Tunisa, Ciyaartooyga Oo Xalay La Seexday Murugo Iyo Dagaalkii Garoonka Ee Booliska U Xakamayn Kari waayey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: