9:41 pm - Saturday July 22, 2017

James Rodriguez Oo Laga Reebay Sawirrada Ciyaartoyga Real Madrid

Abdiwahab Ahmed

Real Madrid ayaa ka cadhootay hadallo uu warbaahinta siiyey James Rodriguez maalintii ay kooxdaasi ku guuleysatay tartanka naadiyada dunida ee FIFA Club world cup, markaas oo ciyaartoygani uu sameeyey arrimo ay madaxda kooxdu ka cadhoodeen.

Real Madrid ayaan kulamadeedii ugu badnaa xili ciyaareedkan safin James, gaar ahaan ciyaaraha xamaasadda leh ee Atletico Madrid iyo Barcelona, runtuna waxay tahay in arrintani ku keentay inuu ka niyad jabo sii joogista kooxda, hadallo aan loo bogina uu siiyo warbaahinta.

In bisha January uu ka tago Real Madrid isaga ayaa ishaaray, waana sida ay u badan tahay.

53 ciyaarood oo Zidane uu tababare u ahaa Real Madrid, James Rodriguez 21 kulan oo kaliya ayuu ka mid noqday ciyaartooyada lagu bilaabo ciyaarta, guud ahaanna waxa uu ciyaaray 1999 daqiiqo, halkii uu ka ciyaari lahaa 4860 daqiiqadood, waxay tani noqonaysaa in uu ciyaaray kaliya 41%.

Waxba iskamay beddelin James, mana muuqdaan wax isbeddelaya mustaqbalka dhow, taasina waxay keenaysaa su’aal ah, intee ayuu u dulqaadan karaa iyadoo laga reebay sawirradii kooxda guulaha gaadhay?

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Daawo Goolkii Mucjisada Ahaa Ee Messi: Barcelona 4-1 Espanyol

Wenger: ‘Sida Xayawaanka Ayuu Garsooruhu Noola Dhaqmay’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: