3:16 pm - Sunday January 20, 7535

James, Ronaldo Iyo Kroos Oo Ganaax Ku Maqnaan Doona

263 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on James, Ronaldo Iyo Kroos Oo Ganaax Ku Maqnaan Doona
single-thumb.jpg

Xiddigaha Ronaldo, James iyo Toni Kroos ayaa ka maqnaan doona Real Madrid kulanka Sabtida oo ay Real Madrid garoonkeeda ku martigelin doonto Eibar.

Saddexdan ciyaartoy ayaa dhamaantood loo taagay kaadhka digniinta ah ee Huruudda ciyaartii ay Arbacadii ay Real Madrid ku rafaadday ee Rayo Vallecano.

Daqiiqaddii 21aad ayuu garsoore Melero kaadhka Digniinta ah ee Huruudda u taagay James oo kubadda ku qabsaday gacan, waxaanay noqotay kaadhkii 5aad ee la siiyo, taas oo sida uu sharcigu dhigayo uu seegi doono kulanka ugu soo horreeya ee kooxdaas.

Cristiano Ronaldo ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta isagana uu garsoore Melero siiyey kaadh Huruud ah kadib markii uu u maleeyey in uu is-tuuray, laakiin markii dib loo daawaday ayaa la ogaaday in uu garsooruhu ku khaladamay go’aankaas.

Real Madrid ayaa xaqiijisay in ay rafcaan ka qaadatay kaadhka la siiyey Cristiano Ronaldo, hase yeeshee xidhiidhka ayaan weli go’aan ka qaadanin.

Toni Kroos oo isna ah laacibka ugu muhiimsan khadka dhexe ee Real Madrid ayaa kaadh la siiyey, waxaana sharcigu dhigayaa in uu ka maqnaado kulanka Eibar.

Maqnaanshaha James waxa uu fursad ku yahay Isco oo kursiga kaydka la fadhiisiyey ciyaartii Rayo Vallecano.

Sergio Ramos iyo Luka Modric ayaa haysta min afar kaadh oo Huruud ah, waxaanay maqnaan doonaan min hal kulan marka ay kaadhka shanaad helaan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ma Dhabbaa In Modric Mar Kale Dhaawacmay?

Sergio Aguero Oo U Sii Dhaaranaya Manchester United iyo Ballan Uu Ku Qaaday Goolal Uu Dhaliyo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com