Japan Oo Dhaafi Kari Weyday 10 Ciyaaryahan Oo Greece Ah

Xulka qaranka Greece ayaa jilibka u aasay oo u diiday Japan inay dhaafto ciyaartii xallay labada xul ku dhex martay garoonka Arena das Dunas ee magaalada Natal oo ku dhamaatay 0-0.

Greece ayaa kaadhka cas loo taagay ciyaaryahanka Kostas Katsouranis kadib markii laba xanaaqadood oo uu sameeyey bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta dibada loogu diray huruudii labaad.

Barbar dhaca Greece iyo Japan oo siinayay dhibic dhibicdii ugu horeysay ee ay Koobka aduunka ka hellaan , ayaa xaqiijinaysa in Colombia Sidaas ugu gudubtay wareega 16 ka , maadama ay 6 dhibcood ku hogaaminayaan Group-ka C iyagoo ciyaarina u hadhsan tahay.

Ivory Coast oo fiidnimadii xallay 2-1 ay kaga adkaatay Colombia kulankoodii labaad ayaa kaalinta labaad ee Group C ku jirta oo Leh 3 dhibcood oo ay ciyaartii koowaad ka heleen Japan.

Japan vs Greece 1 Japan vs Greece 2 Japan vs Greece 3 Japan vs Greece 4 Japan vs Greece 5 Japan vs Greece 6 Japan vs Greece 7