Joe Hart Oo Ka Xamaan Urursaday Garoonka Etihad

Gool-hayaha kooxda Manchester City ayaa u muuqda inuu iskaga hayaamayo garoonka Etihad, ka dib markii labadii kulan ee u horeeyay horyaalka Premier League uu ka reebay tabobare Pep Guardiola.

Kooxda Everton iyo iyo sidoo kale kooxda reer Spain ee Sevilla ayaa aad u danaynaya inay la wareegaan goolyaha xulka qaranka England.

Iyadoo uu laba todobaad oo keli ay ka hadhsan yahay xidhitaankii suuqa kala iibsigu 29 jirkan Hart, ayaan doonayn inuu si toos ah uga wareego kooxda, balse wuxuu danaynayaa inuu amaah ku baxo.

Gool-hayeyaasha kooxda Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen iyo Claudio Bravo ayaa lala xidhiidhanayaa inay Man City la soo wareegi doonto.

Waxa la ogyahay in Hart aanu wax mustaqbal ah ku lahayn sii joogitaanka kooxda City, iyadoo aanu wax xidhiidh ah ka dhexayn isaga macalin Guardiola, oo Jimcihii sheegay inaanu gool-haye Hart haysanin waqti uu ku noqdo gool-haye wanaagsan.”

“Ma odhanayo ma qaadan karayo tabobarka, wuu samayn karaa” ayuu yidhi Guardiola maalintii Jimcaha “Waqtiga marka la eego imikaa laga hadlayaa, lkn lagama hadlayo wixii dhacay lix ama todoba bilood ka hor.”

Gool-haye Hart ayaa 350  kulan u saftay kooxda City dhamaan tartamada oodhan tani iyo waqtigii uu ku soo biiray sannadkii 2006.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

“Allah Haw naxariisto Faarax, Wuxuu ahaa Ciyaartoy wanaagsan” – Shaadhay

Patrick Hickey: Madaxii gudiga olambiga Yurub oo lagu xidhay Rio

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com