3:16 pm - Wednesday January 20, 6754

John Terry Oo Coutinho U Doortay Xidiga Sanadka ee EPL …. Kooxda Sanadkana Xushay

207 Viewed Aidarous Comments Off on John Terry Oo Coutinho U Doortay Xidiga Sanadka ee EPL …. Kooxda Sanadkana Xushay
Qoraalka Terry

Kabtanka kooxda Chelsea, John Terry ayaa daboolka xulka uu u dooran lahaa abaal marinta Ciyaaryahanka iyo kooxda sanadka ee ‘PFA Player and Team of the Year’ isagoo laacibka naadiga Liverpool ciyaar sameeye Philippe Coutinho u doortay Xidiga sanadka ee horyaalka Ingiriiska.JOHN TERRY'S TEAM OF THE YEAR

In kasta oo aanu kabtankii hore ee xulka England kamid ahayn kooxdii saddexda jeer guuldarada kala kulmay Liverpool xili ciyaareedkan, Terry wuxuu sidiisaba la dhacay oo qanciyey qaab ciyaareedka da’yaraha reer Brazil – wallow uu afar gool oo qudha dhaliyey horyaalka.

Waxaan la yaab lahayn oo ku jira liiska ciyaaryahanada uu xushay Terry, mucjisada gool dhalinta wakhti xaadirkan soo baxay ee kooxda Tottenham afka hore u saaran Harry Kane, oo uu ka dhigay Xidiga sanadka ee Da’yarta- iyadoo uu 21 jirkan sida cadceeda u ifayaa shabaqa ku ruxay 19 gool horyaalka kuwaas oo ka dhigay shaqsiga loogu hadal haynta badan yahay Ingiriiska wakhti xaadirkan.Coutinho

Kooxda Sanadka horyaalka EPL ee Terry oo kooxda Southampton ay tahay naadiga uu ciyaaryahanada ugu badan ka cajabiyeen ee uu ka qaatay , ayaa waxaa kale oo ka dhex muuqda oo aanu ilaabay ninkii ay iska garab ciyaari jireen Chelseana ka wada Tirsanaayeen, laakiin hadda khadka dhexe ee daadihiya kooxda Manchester United ee Juan Mata.
JOHN TERRY’S TEAM OF THE YEAR

Goolwade : David de Gea
Difaac yahanada: Ryan Bertrand, Jose Fonte, Laurent Koscielny, Nathanial Clyne
Khadka Dhexe: Philippe Coutinho, Raheem Sterling, Juan Mata, Sadio mane
Weeraryahano: Harry Kane, Sergio Aguero

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Maradona: Van Gaal Waa Shaydaanka Ugu Weyn Adduunka

Morinho iyo Terry Oo Isku Khilaafay Xiddiga Sannadka ee EPL – Hazard v Coutinho

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com