Jose Mourinh Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Frank De Boer

Manchester United ayaa caawa Sevilla ku casuumi doonta Old Trafford, laakiin shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaartaasi Mourinho ayaa qeexay in Frank De Boer uu yahay macalinka taariikhda ugu xun Premier League.

Tababarihii hore ee kooxda Ajax De Boer ayaa Mourinho ku tilmaamay tababare aan xirfad dhameystiran u laheyn soo saarista xidigaha da’yarta ah isagoo sidoo kale sheegay in uusan aqoon sida loola maamulo ciyaaryahan Rashford.

“Waxaan akhristay weero ka soo yeeray macalinka taariikhda ugu xuna horyaalka England Franka De Boer” ayuu Mourinho ka hor yiri saxaafada.

“Waxa uu todobo kulan la hoyday todobo guuldaro, wax goolna ah ma uusan dhalin, walina waxa uu hoos u dilayaa sumcadeeda”.

“Hadii uu Rashford soo maamuli lahaa wuxuu bari lahaa sida loo qasaaro kulan walba”.

Tan iyo markii Manchester bar baro 0-0 ah garoonka Sanchez Pizjuan kula soo gashay Sevilla, Red Devills ayaa Old Trafford ku garaacday kooxaha Chelsea iyo Liverpool halka sadex dhibcood iyagoo marti ah ka qaateen kooxda Crystal Palace.

Si kastaba ha’ahaatee Manchester oo aan gool banaanka ah so dhalin ayaa caawa xaalad adag gali karta, taa oo uu ka warhaayo Jose Mourinho.

“Way adkaan doontaa in lala ciyaaro Sevilla oo aan gool looga soo dhalin garoonkeeda, waa koox weyn waxaan xasuusanaa in Liverpool ay dagaal la soo gashay”.

“Waxaan nahay midkamid ah kooxaha ugu wanaagsan ee ka qeyb galaya Champions League, marka aad horay u soo shaqeysato heerkan oo kale, waad ku hamin kartaa wareega xiga”.