Tabobare Jose Mourinho ayaa tarabuunka loogu diray kaadh-kii casaa ee la siiyo mudo bil gudeheed ah, ciyaar kooxdiisa Manchester United ay barbar dhac kula gashay naadiga West Ham garoonka Old Trafford.

Jose_Mourinho_Oo

Macalinka reer Portaqiis wuxuu ku mutaystay ganaaxa – laag uu ku kiciyey – caagad biyo laga cabay oo garoonka cidhif-kiisa qotontay, isagoo ka xanaaqay go’aan uu garsoore Jon Moss uu kaadhka huruuda ah ku siiyey Paul Pogba oo khiyaano isku dayay, laakiin muuqaaladii ku celiska ahaa ayaa muujiyey in xiddiga kooxda West Ham ee Mark Noble aanu taabanin laacibka xulka France khadka dhexe uga ciyaara.

Mourinho, ayaa sidan oo kale, waxaa kaadhka cas u siiyey garsoore Mark Clattenburg intii ay socotay ciyaartii bishii ina dhaaftay ay barbar dhaca gool la’aanta ah ku kala baxeen naadiga Burnley.

jose-mourinho-oo-tarabuunka-lo-dra

Garsooraha kulanka United iyo West Ham – wuxuu tabobare Mourinho sidan oo kale casaan ugu taagay bishii October 2015, markaas oo Jose Mourinho uu ahaa tabobaraha kooxda Chelsea.

Manchester United ayaa lagu qabtay barbar dhac 1-1 ah oo ay isla dhaafi waayeen kooxda West Ham ciyaartan marti loogu ahaa garoonkooda Old Trafford.

jose-mourinho-oo-tarabuunka-lo-dray-1 jose-mourinho-oo-tarabuunka-lo-dra jose-mourinho-oo-tarabuunka-lo-dray jose-mourinho-oo-tarabuunka-lo-dray-3 man-united-oo-barbaro-ka-heshay-ciyaar-mourinho-tarabuunka-loo-diray