Jose Mourinho Oo Farriin Adag U Diray Real Madrid

Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa farriin adag u diray kooxda kubadda cagta Real Madrid taas oo uu uga digay inay isku daydo inay heshiis la gasho goolhaye David De Gea.

Goolhaye David De Gea ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee Real Madrid sannadkan iyo sannadihii horeba, hase yeeshee, tababare Mourinho waxa uu usoo jeediyey Real Madrid inay meel kale wax ka eegato oo aanay heli doonin birlabta reer Spain.

Mourinho oo u warramay warbaahinta La Sexta Isniintii, ayaa waxa uu tibaaxay in uu aaminsan yahay in De Gea uu sii joogi doono Manchester United oo aanu meelna ka tegi doonin.

“Waxay ila tahay inuu joogi doono. Ma garanayo in Real Madrid ay danaynayso, laakiin haddii aan anigu iyaga (Real) ahaan lahaa, ciyaartoy kale ayaan ka fikiri lahaa.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho oo u muuqday inuu u quus-goynayo Real Madrid.

Tababare Jose Mourinho waxa uu meesha ka saaray in Manchester United ay ku guuleysan karayso tartanka Champions League, waxaanu yidhi: “Ilama aha in Manchester United ay ka mid tahay murashaxiinta ku guuleysanaya Champions League”

Manchester United waxay caawa martigelinaysaa Sevilla lugta labaad ee wareegga 16-ka oo ka dhacaya garoonka Old Trafford.