Jose Mourinho Oo Lagu Dacweeyey Ka Hadalkii Arinta Garsoorka Ciyaartii Kooxdiisa Iyo Liverpool

Xidhiidhka kubbada cagta wadanka Ingiriiska ayaa u soo gudbiyey tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho dacwad ka dhan ah haddalkii Uu ku sheegay inay “ku adkaan doonto” garsoore Anthony Taylor inuu dhex dhexaadiyo kulanka Liverpool.

mourinho-oo-la-ganaaxayo

Mourinho oo ka hadlay markii garsoore Taylor, 17 kii October loo magacaabay garsooraha dhex-dhexaadinaya ciyaarta, ayaa sheegay inuu siidhiwaduhu cadaadis iyo cabudhaad daran kala kulmi doono dhex dhexaadinta ciyaar ka dhcaysa magaalada uu ku nool yahay ee Manchester.

Tabobarayaasha Ayaan loo ogolayn inay ka sii hor hadlaan ama wax ka sheegaan garsoorka ka hor ciyaarta.

Mourinho ayaa haysta ilaa 31 ka bishan October, si uu uga soo jawaab celiyo, eeda ah – dhaqan xumo iyo inuu ciyaarta ka sii dar-daar wariyey.

Taylor ayaa bixiyey afar kaadh oo huruud ama digniin ah – kuwaas oo uu dhamaantood ku taxay ciyaaryahanada kooxda Manchester United – ciyaartan barbar dhaca 0-0 ka ah ku dhamaatay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ciyaaryahan Maxamed-Khadar Oo Qalbi Furan Ku Soo Dhoweeyey Ciyaartoyga Gobollada Ka Yimid Ee Ka Qayb-gelaya ciyaaraha Gobollada

Xildhibaan Baarlamaanka Ingiriiska Ka Tirsan Oo Ku Taliyay In West Ham La Ciqaabo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com