jose-mourinho-expresses-sympathy-for-big-sam

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United, Jose Mourinho ayaa ka hadlay ciyaartii xalay ay barbar dhaca 0-0 wada galeen Liverpool ee ka dhacday garoonka Anfield, taas oo natiijadeedu ay ka duwanaatay sidii markii hore la saadaalinayey.

Manchester United ayaa taariikhdeeda markii ugu horreysay waxay ciyaartii xalay kubbad haysashadeedu ahayd 35 boqolkiiba, taas oo noqotay abid halkii ugu hoosaysay, laakiin Jose Mourinho ayaa tibaaxay in qiyaastaas iyo xog ururinta ciyaartu ay khaldan tahay, marka la eego farsamooyinka iyo fursadahana ay kooxdiisu ka sarraysay Liverpool.

Waxa uu xusay in kooxda la sheegayo inay awood badnayd ee Liverpool ay laba jeer oo kaliya goolkiisa tageen, taasina ay ahayd difiicnimo muujinaysa in aan laga awood badnayn.

“Laba kubbadood oo kaliya ayey ku laageen goolkayaga, iyagoo kubbada haysta 65%, taas darteed, waa in iyaga lagu dhalleeceeyo dhibaatadooda iyo liitinimadooda.” sidaas ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu sheegay in kooxdiisu ay maskax ahaan ciyaarta maamulaysay, ciyaartoygiisuna deggenaayeen, taasina keentay in ay aamusaan taageereyaasha Liverpool.

“Jawaabta ay taageereyaashoodu bixiyeen waxa ka muuqday niyad jab. Waxa la filayey in aanu dhibaato kala kulmi doono Anfield laakiin taasi may dhicin” ayuu mar kale yidhi Mourinho.