Juan Cuadrado Muxuu Ka Yidhi Ka Mid Noqoshada Kooxda Chelsea..?

Xiddiga reer Colombia Juan Cuadrado oo aakhirkii qalinka ku duugay heshiis afar sanno iyo badh ah oo uu kaga mid noqday naadiga Chelsea , ayaa kadib markii lakala food qaaday ee uu qalinka iyo warqada isa saaray saxaafada uga waramay dareenkiisa ku wajahan inuu ka yimid Fiorentina maantana rasmi uga mid noqday Chelsea.1422908243441365

“Aad baan ugu faraxsanahay sidoo kalena waan ka mahad-celinayaa fursadan la i siiyay, Chelsea waa koox aad u weyn, haddii aan si daacadnimo leh u hadlo waxaan odhan karaa waa riyo ii rumowday inaan Chelsea ka mid noqdo” ayuu yidhi. Juan Cuadrado, waxaanu intaas ku daray “Waxay ii tahay farxad inaan qoyska Chelsea ka mid noqday sidoo kalena aan ogaado in macalinka kooxdan uu i aaminsan yahay, xaqiiqdii aad baan u faraxsanahay maadaama wax walba ay u dhaceen sidii aan niyada ku hayay”.CUADRADO

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Andrea Schurrle Kaalintee Ayuu Kaga Jiraa Xiddigaha Ugu Qaalisan Ee Ay Kooxaha Bundesligaha Jarmalku Soo Iibsadeen..?

Sissoko: “Arsenal Waa Riyadayda, Balse Haatan Waxaan Ku Faraxsanahay Newcastle United”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com