2:51 pm - Saturday July 29, 2017

Juan Mata Oo U Sheegay Mourinho In Uu Ka Ciyaari Karayo Booskii Mkhitaryan

Abdiwahab Ahmed

Kubbad sameeyaha Manchester United ee Juan Mata ayaa ku adkaystay in uu ka ciyaaro booskii uu kulamadii u dambeeyey ka ciyaarayey Henrikh Mkhitaryan oo dhaawac ka gaadhay kuraanta ciyaartii Tottenham ku seegay kulankii Crystal Palace, taas oo Mata uu ka qayb ka noqday guushii 2-1 ahaa ee kooxda Mourinho ay ku dhufatay wiilasha Alan Pardew.

“Waanu kala duwanahay ciyaartooyo ahaan, waananu wada ciyaari karnaa. Si fiican ayaanu isku fahamnaa inta aanu garoonka ku jirno sababtoo ah kubbad isku mid ah ayaanu ciyaarnaa.” Sidaas waxa IBTime u sheegay Juan Mata.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Juan Mata waxa uu yidhi: “Tababaraha ayaa leh go’aanka ciyaartooyada kulan kasta u wanaagsan inay ciyaaraan, waxayna ila tahay in aanu kala duwanahay ciyaartooyo ahaan, laakiin qaab ciyaareedkii uu Henrikh soo bandhigay kulmadii u dambeeyey waan ku farxay sababtoo ah waa wiil wanaagsan oo u qalma inuu ciyaaro.”

Mata ayaa la filayey inuu ka tago Manchester xagaagii, laakiin waxa muuqata inay isfahmeen Mourinho oo ay isku jiidheen wakhtigoodii Chelsea, waxaanu tibaaxay in wakhtigan uu faraxsan yahay, kulamo badana uu ciyaaray.

“In badan ayaan ciyaaray illaa hadda. Waan faraxsanahay. Waxa aan dhaliyey goolal, wanaag ayaanan dareemayaa. Waa xaqiiqo in tartan weyn ka dhex jiro ciyaartooyada kooxda, balse waligayba waan kusoo caano maalay tartankaas oo kale, haddana waan joogaa United waana inaan u halgamo booskayga.” Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Juan Mata.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sanchez, Ozil Iyo Wenger Oo Loo Soo Bandhigay Heshiisyo Cusub

Minnesota: Haween Tacaddiyo Galmo Lagula Kacay Oo Diiday Inay Ciyaaraan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: