Juanfran: Laba Jeer ayaan iska diiday Arsenal

Difaacyahanka baasha midig uga ciyaara kooxda Altetico Madrid ayaa sheegay in uu laba jeer diiday dalab uga yimid kooxda Arsenal, taas oo dooneysay in khadkeeda difaaca ku xoojiso.

Difaacyahankan 30 jirka ah iyo Serge Aueier ayaa ku jiray liiska Arsenal ee beddelaya Bacary Sagna sannadkii hore, laakiin markii ay ku guul-darraysatay in ay soo xero geliso ayay u dhaqaaqday in ay iibsato Mathieu Debuchy oo ay Newcastle United kaga soo qaadatay €16 million.

“Waan garanayaa kooxda aan joogo ee Atletico in ay igu cadaadisay in aan iska joogo, laba jeerna waxa aan diiday dalabyo iiga yimid Arsenal, sababtuna waxay ahayd dareenkayga halkan.” Sidaas ayuu yidhi Juanfran oo u warramay idaacadda Radio Marca.

Atletico Madrid waxay hadda kaalinta saddexaad kaga jirtaa horyaalka dalka Spain ee La Liga, waxaanay sagaal dhibcood ka hoosaysaa kooxda hoggaanka haysa ee Barcelona, laakiin Juanfran ayaa aaminsan in ay kooxdiidu dedaal samaysay marka la eego saamaynta taban ee ay ku yeesheen ciyaartooyada ka tegay xagaagii ee sida Diego Costa.

“Sannadkii hore waanu ka fiicanahay. Si fiican ayuu horyaalku noogu dhamaanayaa.” Ayuu raaciyey.

“Maqnaanshaha Diego Costa ayaa la xusi karaa. Waa ciyaartoy wanaagsan oo wax kasta oo badan noo huray. Ciyaartii uu isagu seeska u dhigay ayaanu haynaa. Qunyar qunyar ayey Mario Mandzukic, Antoine Griezmann iyo Fernando Torres ay iskula qabsanayaan.” Ayuu yidhi.

Juanfran ayaa difaacay go’aankii ay kooxdiisu ku faraxsaday weeraryahankeedii Ramadel Falcao oo sannadkii 2013.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Kooxda Toddobaadka ee horyaalka Spain Iyo Ragga Ku Kulmay

PELE: Messi Wuu Shiday Barcelona, Laakiin Argentina Waxba Uma Qaban

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com