Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Guul-darradii Swansea Iyo Taageere Ay Isku Dhaceen

Tababare Jurgen Klopp  ayaa warbaahinta raalligelin u mariyey taageere ka tirsan kooxda Swansea City oo ay isku dhaceen intii ay socotay ciyaartii Liverpool lagaga badiyey 1-0.

Tababare Klopp ayaa waxa uu qirtay in uu si adag ugu jawaabay isagoo qaylinaya taageere ka dambeeyey halkii uu taagnaa intii ay socotay ciyaartii ay Swansea ku dhufatay 1-0, taas oo sooo afjartay 18 kulan oo xidhiidh ah oo aan laga badinin tartamada oo dhan.

Klopp waxa uu sheegay in uu ka xun yahay in si cadho leh uu ugu jawaabay taageerahan, laakiin sababtu ay ahayd in uu muddo badan ka daba-qaylinayey isagoo aflagaadaynaya.

“Mar kasta wuu igu qaylinayey. Waanse ka xumahay inkastoon hal mar u jawaabay. Waxa aan naftayda xasuusinayaa in aan binu-aadam ahay oo aanan ahaan karayn kaliya tababare xirfadle ah oo markasta dul qaadanaya, wixii ay doonaana ay ku odhan karaan.” Sidaas ayuu yidhi Klopp.

“Mar baan ku idhi, fadlan, kaddibna si fiican ayuu u aamusay, sababtoo ah qofna ma samayn karo wax kasta. Meel fiican ayuu fadhiyey, waxaanan hubaa in aanan ahayn macallinkii u horreeyey ee u jawaaba. Waxaan filayaa inuu haysto tigidh joogto ah.” ayuu ku daray.

Dhinaca kale, Klopp waxa uu sheegay in kooxdiisu aanay soo bnadhigin ciyaar fiican kulankii Swansea, taasina sabab u tahay in laga badiyo.