Justin Bieber Fanaanka Reer Maraykan Oo Kooxda Barcelona Tabbobar La Qaatay

Lionel Messi ayaa u ciyaari doona kooxdiisa Barcelona kulanka Champions League ee ay wajahayaan kooxda Celtic Arbacada, kadib markii uu tabobarka naadiga ku soo noqday xannuun uu u jiifay kadib.justin-bieber-in-barcelona


Laacibka xulka Argentina khadka dhexe u daadihiya, ayaa hargab daran oo haleelay uu qasbay in laga waayo xulkii kooxdiisa ee Sabtidii barbar dhaca gool la’aanta ah la gallay kooxda Malaga.

Laakiin wuxuu si rasmi ah tabbobarka u sameeyey Isniintii, iyadoo kooxdiisa iyo isaga uu layliga ku wehelinayay Heesaaga reer Maraykan ee Justin Bieber.

Weeraryahan Luis Suarez, oo sidoo kale ka baaqday ciyaartii ay kooxdiisu ku qaabishay Malaga garoonka Camp Nou, ayaa si rasmi ah ugu soo noqday liiska xulka lagu bilaabayo ciyaarta Celtic ee Champions League.

Barcelona waxay laba dhibcood ka horeysaa kooxda Manchester City hogaanka hormada C ‘Group C’ ee Champions League.

 

Waxay u baahan yihiin inay ka helaan dhibic kaliya, kulanka Celtic iyo ka ay ku soo gunaanadayaan ciyaaraha Groups ka ee ay wajahayaan Borussia Monchengladbach si ay boos uga helaan u soo bixida wareega 16 dhamaadka tartanka sanadkan ee horyaalka naadiyada Yurub.

justin-bieber-in-barcelona-training-12 justin-bieber-in-barcelona-training-1

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xidhiidhka FA Oo Go’aamiyey In Aan La Ganaaxin Lallana Iyo Henderson

10-Ka Ciyaartoy Oo Ku Tartamaya Goolka Ugu Quruxda Badan Oo La Shaaciyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com