5:41 pm - Thursday July 27, 2017

Juve Oo Qaaday Horyaalka Talyaaniga Kadib Guuldaradii Naxdinta Lahayd Ee Roma Qabsatay

Aidarous

Juventus ayaa markale hantiday horyaalka Seria A sanadkan kadib markii guuldaro xanuun badani ka qabsatay naadiga Roma kooxda Catania Gallabta.

Naadiga Roma ayaa lagaga badiyay 4-1 ciyaartii maanta ee ay is haleeleen kooxda Barta ugu hooseysa fadhiday ee Catania oo imika hal jaran jaro kor u soo kacday laakiin u muuqata mid aan ka badbaadayn inay daadegto.

Mariano Isco ayaa laba gool ka xareeyey Roma qaybtii hore ee ciyaarta, halka Gonzalo Bergessio iyo Pablo Barrientos ay u raaciyeen labada gool ee guuldarada baday kooxda caasimada Talyaaniga ka dhisan , fursadaas oo u saamaxday Juventus inay gacanta ku dhigto horyaalkeedii 30 aad ee wadanka Talyaaniga, iyadoo ka horeysa Roma 8 dhibcood oo nadiif ah xili laba kulan oo kali ahi ka dhiman yihiin tartanka.

Naadiga lagu naanayso habartii weynayd ‘the Old Lady’ oo 35 ciyaarood oo ay safteen urursaday dhibco 93 ahi, waxay qarka u saaran yihiin inay saddexda kulan ee u dhiman ku jabiyaan rikoodhka u yaala dhibcaha ugu sareeya ee Seria A lagu qaaday oo ah 97 dhibcood , kaad oo ay dhigtay kuna qaaday horyaalkii 2006-2007 kooxda Inter Milan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Taageere qudha Laga Jaray Iyo Cabsida Sii Kordhaysa Ee Magaalooyinka Marti Gallinaya Ciyaaraha Koobka Aduunka Brazil

Atletico Madrid Oo La Qabtay Iyo Hirdankii Kaalinta Koowaad Oo Dib u Curtay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: